U bood dhigaalka

4 Eedeysane Oo La Xukumay

Sheeko:Amniga

Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida ayaa maanta waxay xukun ku riddey dad loo haysto ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab.

Saddex rag ah iyo qof dumar ah ayey maxkamadda ku riddey xukun xabsi ciidan ah.

Eedeysanayaasha ayaa kala ah Maxamed C/laahi Cadow oo ah eedeysanaha 1-aad ayaa ciidamada amniga waxaa ay ka qabteen 22 bishii afaraad waxaana xilligaasi lala xiriirinayay ka mid ahaanshaha Alshabaab waxaana kadib lagu wareejiyay hay’adaha baarista.

Eedeysanayaasha 2-aad  iyo 3-aad ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Weris Maxamed Cumar , Xasan Cali Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe oo isna ah eedeysanaha 4-aad.

Eedeysanayaasha ayaa waxaa lagu kala xukumay Maxame Cabdullaahi Maxamed Cadow 15 (Shan iyo Toban ) sano oo Xabsi Ciidan ah.

Waris Maxamed Cumar 6 (Lix) sano oo xabsi Ciidan ah, halka Xasan Cali  Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe ay ku wada xukuntay min hal sano oo xabsi ciidan ah.

Goobjoog News