U bood dhigaalka

4 Qodob Oo Mugdi gelinaya Qabsoomidda Shirka Farmaajo Iclaamiyey Khamiista!

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa talaadadii markii saddexaad muddeeyey shir isaga iyo madaxda dowlad goboleedyada isugu yimaadaan oo ka dhaco Muqdisho.

Shirkan sida qorshuhu yahay dhacaya khamiista ayaa lagu wadaa in lagu saxiixo heshiis guddiga farsamo ee Baydhabo kasoo saareen February 16.

Haddaba, Goobjoog News oo xiriirro kala duwan sameysay waxaa ay akhristeyaasheeda la wadaageysaa 4 qodob oo shirkaasi mugdi gelinaya.

1. Shirka Farmaajo iclaamiyey, waxaa uu dharbaaxo ku yahay, shir kale oo khamiista ku balansanaayeen ra’isul wasaaraha xil gaarsiinta Maxamed Rooble iyo musharaxiinta, loogana hadlayey kasoo qeybgalka shirkaas ama korjoogte iney ka noqdaan shirka doorashada saamileysa gaar ahaan guddiga matalaya musharaxiinta.

2. Xiriir ay Goobjoog News la sameysay saraakiisha sare ee Puntland iyo Jubbaland waxaan ogaannay in Farmaajo aanu muddeynta shirka Khamiista kala tashan labadaasi maamul.

3. Shirkan waxaa uu Farmaajo kusoo aadiyey maalin kahor dibadbaxa looga soo horjeedo ee la qorsheeyey inuu dhaco sabtida soo socota, si bannaanbaxa u dhaco xilli dalku doorasho aaday.

4. Shirkan uu Farmaajo ku baaqay waxaa uu meesha ka saarayaa qorshe ay beesha caalamku wadday oo ah in lagu qabto Xalane, taasi oo ay dhinacyada ku qanacsan yihiin.

Haddaba, iyada oo arrimhaasi jireen sidee shirkaasi Farmaajo ku qabsoomi karaa khamiista?

Goobjoog News