U bood dhigaalka

4 Qof Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootey Degmada Buuloburde

Sheeko:Caafimaadka

Wararka ka imaanaya degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi ay cudurka shuban biyoodka ah ugu dhinteen 4 ruux, iyadoo ay jiraan tiro badan oo cudurkaasi la il daran.

Xarumaha caafimaadka ee degmadaasi ayaa la gaarsiiyey dad u badan carruur oo cudurkaan uu soo ritey, kuwaasi oo laga kala keenay deegaanno ku dhow degmada Buuloburde iyo xaafadaha degmadaasi.

Masโ€™uuliyiinta maaamulka degmada buuloburde ayaa sheegay in cudurkaan uu saameyn ku yeelan karo dad kale oo hadda caafimaad qaba, islamarkaana laga yaabo in dadka qaar xaaladooda ay kasii darto.

Mid kamid ah ehlada dadka ku xanuunsanaya degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in sababta cudurkaan ay u maleynayaa abaarta ka jirta halkaasi oo dadka qaar ay waayeen biyo nadiid ah oo ay cabaan.

Abaarta ka jirta gobolka Hiiraan ayaa sabab u noqotay iney dhintaan xoolo badan oo dadku ay dhaqanayeen, iyadoo taasi ay keentay nadaafad darro sababtay cudurkaan shubanka ah.

Saraakiisha caafimaadka degmada Buuloburde ayaa ugu baaqay hayโ€™adaha samofalka ah iyo dowladda Federaalka Soomaaliya in gurmad dawo ah la gaaraan dadka ku xanuunsayana degmadaasi.

Goobjoog News