U bood dhigaalka

4 Tallaabood Oo Looga Gaashaanto Madax Xanuunka Maalinta Koowaad Ee Soonka

Sheeko:Caafimaadka

Dad badan ayaa waxay si sanadle ah ula kulmaan mushkilad soo noqnqota bisha barakeysan ee “Ramadaan”, gaar ahaan maalmaha koowaad marka uu jirkoodu la qabsanayo nidaamka cusub ee raashinka ee ku saleysan inaan waxba la cuneyn waxna la cabbeyn ku dhawaad 10-saacadood maalintii.

Daraasad la sameeyay sanadkii 1999, ayaa daahrogtay in waxyaabaha ugu badan ee madax xanuunka keena maalinta Koowaad ee soonka uu yahay maadada “Caffeine-ka” oo jirkii la qabsaday uu waayayo, ku darso waxyaabo kale oo ay ka mid yihiin hurdo yari, sokorta oo dhiigga ku yaraat iyo jirka oo qalleyl dareemaya.

Sida ay qortay jariidada “Lahamag” ee dalka Sucuudiga ka soo baxda waxaa jira tallaabooyin la raaco oo loogu diyaar garoobo si looga fogaado madax xanuunka maalinta Koowaad ee Soonka, waxaa ka mid ah:

1- Biyo Badan oo La Sii Cabo

Xilliga suxuurta biyo badan sii cab, biyuhu waxay lagama maarmaan u yihiin falgallada kiimikeed ee gudaha jirka ka socda ee lagama maarmaanka u ah nolosha.

2- Shaaha oo La iska Yareeyo

Inaad si tartiib-tartiib ah uga go’do amaba aad u yareyso shaaha iyo qahwada waxay lagama maarmaan u tahay si aad uga fogaato madax xanuunka, waxay dhiirigeliyaan kaadida, taas oo jirka seejineysa dareero badan oo uu u baahnaa, waxaa ku jira caffeine oo la qabsigiisa uu jirku tabo.

3- Raashin Suxuurta oo la Iska Yareeyo

Labo isbuuc ee soonka ka horreysa waxaa fiican inaad yareyso guud ahaan cunnooyinka aad qaadaneyso, si uu jirku ula sii qabsado oo aaney marqura lama filaan ugu noqon Soonku.

Sidaas oo kale, waxaa lagu talinayaa in la yareyso raashinka Suxuurta isla markaana aan la fududaysan, waxaa loo baahan yahay in la qaato raashinka adag oo mudada dheer caloosha ku sii jiraya si qiyaas leh oo aan ka badbadis lahayn.

4- Dhafarka oo Laga Fogaado

Hurdadu waa waxyaabaha aasaasiga u ah jirka aadanaha, gaar ahaan waxaa jira shaqooyin badan oo dhanka jirka ah oo aan looga maarmin hurdada. Sidaa darteed waa inaan ka taxadarno dhaqanka dadka qaar oo marka Ramaad uu u soo galo aaminsan iney bishii dhafarka tahay.

Goobjoog News