U bood dhigaalka

40 Gaadiidka Xamuulka oo Muddo Bil ah Dhiiqo Ku Jira Wado u Dhexeysa Baardheere iyo Baydhabo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Gaadiid xamuul ahRoobabkii xooganaa ee daadad watey mudooyinkii ugu dambeeyeyna ka da,ayey wadada dheer ee isku xirta degmooyinka Baydhabo iyo Baardheere oo dhererkeedu uu yahay ilaa 210 km ayaa markii ugu horeysay waxay saameyn adag oo dhinaca nolosha ah ayku yeesheen isku socodka dadka, gaadiidka iyo maciishada,waxayna gooyeen wadooyinkii ay soo marayeen Badeecooyinka Ganacsi iyo dadka rakaabka ah ee u kala socdaalayey degmooyinkaasi.

Darawalada Gaadiidka iyo Ganacsatada Badeecooyinka ee Baardheere ayaa waxay sheegeen mudo Bil ku dhow in ilaa 40 baabuur oo noocyada Xamuulka ah ay ku xayiran yihiin Togag waaweyn oo u dhaxeeya degmooyinka Baydhabo iyo Baardheere,iyadoo dhibaatadaasina ay keentay Qiimaha raashinka in laban laab uu ka saro maro qiimahii Bil ka hor wax lagu kala iibsanayey.

Cali Cabdulaahi oo ka mid ah darawalada Gaadiidka Xamuulka u kala goosha degmooyinka Baardheere iyo Baydhabo ayaa Warbaahinta u sheegay in bur bur xoogan oo ka dhashey Roobabkas uu ku yimid Wadooyinkii lagu socdaalayey,isagoo sheegayna wadooyinkaasi oo mudo ka badan ilaa 25sanno anan helin wax dayactir ah darawaladu in ay ku qabaan dhibaatooyin,isagoo sheegayna dhibaatooyinkaasi in ay u sii dheer yihiin Shilal ka dhacaTogagaasi ka samaysay wadooyinkaasi.

Dhageyso

Goobjoog News