U bood dhigaalka

Warbixin: 9 Sano Kadib Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka, War

19kii January, 2007dii waxay aheyd markii ugu horreysay ee la Hindisay Howlgalka Midowga Afrika oo marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan AMISOM

21kii Bishii February 2007diina, Golaha Ammaanka ee qaramada midoobey ayaa wuxuu u fasaxay Midowga Afrika inay hawlgal ciidamo nabad ilaalin ah geyso Soomaaliya si loo taageero hey’adaha dawlada Federaalka KMG ah (TFG).

Laba bil kadib, Hawlgalkii Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) wuxuu bilaabay inuu ciidamo u daadgureeyo magaalada Muqdisho, waxaana haatan Midowga Afrika Soomaaliya ka jooga ciidamo lagu qiyaaso 22 kun oo askari oo nabad ilaaliyayaal ah kuwaas ka kala socda wadamada Jabouti, Itoobiya, Kenya Burundi, Nigeria, Uganda, Ghana  iyo Sera lion

Intii lagu jiray sanadihii 2007 ilaa 2008, xoogaga Al-Shabaab waxay gaareen guulo militari iyagoo gacanta ku dhigay magaalooyin iyo dekaddo muhiim ah oo ku yaal bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Dhamaadkii sanadkii 2008,  Al-Shabaab waxay gacanta ku dhigtay magaalada Baydhabo.

Bishii Janaayo 2009, ciidamada militariga Itoobiya ayaa guud ahaan isaga baxay dalka Soomaaliya, iyagoo wadanka uga tagay ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ka joogay Soomaaliya kuwaasoo awoodooda militari ay aad u hooseysay, noqoteyna ilaaliyaha kaliya ee dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

Sanadkii 2007dii ilaa bishii may 2015kii Midowga Yurub wuxuu howlgalada AMISOM ku bixiyey lacag dhan 865.5 Bound sida aan ka soo xigtay website ku hadla afka AMISOM.

Markii ugu dambeysay bishii December ee sanadkii hore 2015kii waxaa isbedel lagu sameeyey taliska ciidanka AMISOM, Taliyaha AMISOM Lt.Gen. Jonathan Rono ayaa laga sagootiyay magaalada Muqdisho kadib markii uu dhamaaday waqtigii uu shaqada sii hayn lahaa.

Taliye Lt. Gen. Jonathan Rono oo kasoo jeeda dalka Kenya ayaa howlgalka AMISOM ee Somaaliya loo dalacsiiyey bishii September ee sanadka 2014-kii, wuxuuna horey u ahaa taliye kuxigeenka howlgalka AMISOM ka hor inta aan laga dhigin taliyaha guud ee howlgalka AMISOM.

Gen. Mohamedesha Zeyinu oo  kuxigeen u ahaa taliye Lt. Gen. Jonathan Rono ayaa la wareegay shaqada taliyaha guud ee howlgalka AMISOM, waa sarkaal Ethiopian ah.

Dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda iyo milateryga ee geeska afrika ayaa tilmaamaya in Dowladda Ethiopia oo ka faaideysaneyso tirada badan ee ciidankeeda ka jooga soomaaliya iyo Istaraajiyadda Juqraafiga siyaasadeed ee ay ka leedahay wadankan soomaaliya inay dardar cusub gelin doonto ciidamada AMISOM.

Amisom waxay galeen dagaalo iyo howlgallo aad u tiro badan oo aan qiyaas lagu heyn, waxaa la xasuusan yahay meelihii ay ciidamada dowladda federaalka ku caawiyeen in ay la wareegaan, sidoo kale waxaa jira dhacdooyin Amisom mugdi u ah oo ka qabsaday xarakada al-shabaab.

26kii bishii June ee sanadkii 2015kii 70 ciidamada Burundi ee AMISOM ayaa la dilay kadib markii al-Shabab ay weerartay oo qabsatay xero ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Leego ee G. Sh. Hoose

Weerarka ayaa ku bilowday baabuur ku qarxay ganjeelka ama iridda xerada, kadibna waxaa bilowday dagaal culus oo dhexmaray maleeshiyada iyo ciidamada AMISOM.

Wakiilka Midowga Africa ee Somalia ayaa canbaareeyay weerarkaasi, balse ma uusan sheegin xilligaasi tirada ciidamada AMISOM ee weerarka lagu dilay.

Dowladda Somaaliya iyo wakiilka QM ee Soomaaliya  ayaa labaduba canbaareeyey weerarka.

16kii bishan aynu ku jirno askar badan oo Kenyaan  ah oo  AMISOM ka tirsan ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday xero ay askartaasu deganaayeen oo ku taalla deegaanka ceel cadde ee gobolka gedo.

Xarakada al-shabaab waxay sheegtay in askarta ay weerarkaasi ku dishay ay tiro ahaan yihiin 100 askari ayadoo 12 kalena ay sheegeen in ay nolosha ku qabteen.

Dhacdooyinka xannuunka badan ee AMISOM ay ka geysatay gobolada dalka waxaa ugu weyn howlgal dad badan lagu laayay oo ka dhacay magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

01dii bishii August ee Sanadkii hore 2015kii, ugu yaraan 15 qof oo ah dad shacab ah, ayaa ku dhintay weerar ay Ciidamada AMISOM ku qaadeen Magaalada Marka ee Shabeellada Hoose ee Koonfurta Somalia. Kaddib markii ay weerar ku qaadeen Xaafad ka mid ah xaafaddaha Magaalada oo lagu magcaabo Ruusiya.

Dadka la xasuuqay waxay 4 qof oo ka mid ah ahaayeen kuwo qoys keliya kasoo jeeda, Aabaha dhalay caruurta Afarta ah, ayaa u sheegay warbaahinta in Ciidamada AMISOM ay gurigooda ugu yimaadeen, markii ay baaritaan sameeyeen kaddibna ka baxeen guriga, balse wax yar kaddib ku soo laabteen sidaana ku khaarajiyeen Afar wiil oo uu dhalay, odayga dhalay dhalinyara la laayay maalintaas ayaan sheegin sababta ilmihiisa loo laayay.

AMISOM  iyadoo ay ka garab dagaalamayaan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay la wareegeen degmooyin badan oo magaalada Muqdishu iyo gobolada kale ee koonfurta iyo bartamaha ka tirsan ah.

Laga soo billaabi bishii may ee sanadkii 2011kii AMISOM  iyo ciidamada dowladda waxay xaqiijiyeen horumar dhinaca dagaalka ah waxayna dib gacanta dowladda ugu celiyeen meelihii ay ka talineysay xarakada al-shabaab.

Hadda tan iyo inta la aasaasay ciidanka howlgalka midowga afrika ee soomaaliya waxaa laga joogaa mudo sagaal sano ah, waxaan halkan idiinku soo gudbineynaa Sooyaalka Tacadiyada AMISOM qaar ka mid ah:
Sooyaalka Waxyeellada AMISOM Ee Rayidka

January 19, 2007:  Golaha Nabadda iyo Nabadgalyada Midowga Afrika ee loo yaqaano” the African Union’s Peace and Security Council ayaa sameeyay AMISOM.

 February 20, 2007: Golaha Amaanka ayaa isku raacay in ciidan Nabad ilaalin loo diro Soomaaliya, Markii hore Mandate-ka waxaa uu ahaa 6 bil laakin mar walba waa la sucbooneysiiyaa.

AMISOM waxaa ay ka kooban tahay ilaa  22,126 oo isugu jira Militari iyo Booliis,  Ciidanka Miltari waa sidan: 5,432 ciidan oo ka socda  Burundi, 1000 ka yimid  Djibouti, 3,664  oo u dhashay dalka Kenya, 850  oo ah Sierra Leone, Ethiopianka waxaa rasmi ah 4,395 halka Uganda ay ka joogaan ilaa 6,223 oo ciidan.

Waxaa jiro Tacadiyo ay AMISOM ka geysatay Muqdisho xilliyadii dagaalka uu ka socday halkan 2007-2012, duqeynta AMISOM waxaa ku dhintay dad badan oo rayid ah, Qoraalkan soo socda waa rayid ay AMISOM si toos ah u dishay intii aan helnay.

Akhriso Sooyaalka Tacadiyadda AMISOM:

November 11, 2008: 2 qof  oo rayid ah ayaa lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho ka dib markii dadkaasi ay si kala gooni gooni ah u toogteen ciidamada Amisom iyo kuwa Ethiopia ee fariisimaha ku kala leh Wardhiigley iyo nawaaxiga garoonka diyaaradaha.

Goob joogeyaal ayaa ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ee ku sugan isgoyska Xariyaale ee degmada Wardhiigley ay toogteen qof rayid ah oo wadada lugeynayey iyo mid kale ay ku dileen Garoonka Stdium Muqdishu.

July 11, 2010:  Deegaanka Ceel-Dibir oo 80 Km u jirta Magaalada Cabud-Waaq ee Gobolka Galguduud ayaa waxaa laga helay labo qof oo meyd ah oo laga soo saaray dhulka Baadiyaha ah, kadib markii ay ka firxadeen rasaas ay ciidamada Itoobiya ku fureen dad degan deegaankaasi.

Dhimashadda dadka deegaanka ayaa guud ahaan gaartay 19 ruux oo isugu jira Carruur, Haween iyo Nabadoono deegaankaasi laga yaqaano, waxaana meydkii iyo dhaawicii loo soo daadgureeyey Magaalada Cabud-Waaq, iyadoo dadka deegaanka ay aad uga caroodeen falkaasi oo la sheegay in ay gaysteen ciidamo Itoobiyaan ah oo loogu magacdaray (New Police).

April 23, 2012: Magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay qarax lagula beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee magaaladaas ku sugan.

Dhinaca kale waxaa rasaas ay ciidamada Itoobiya qaraxaas kadib ku geeriyoodey 3-qof oo rayid ah kuwaas oo xiligii qaraxu dhacay meesha marayey.

August 27, 2012: Marka ayaa gacanta u gashay AMISOM, Magaalada Marka oo 90KM koonfur ka xigta caasimadda Muqdisho ayaa waxa gacanta ku hayay al-Shabaab ilaa November ee sanadkii 2008dii, AMISOM wixii maalintaas ka dambeeyay waxaa ay dilal ku bilowday dadka deegaanka.

January  16, 2013: Jen. Salvatore Harushimana oo ka tirsan AMISOM ayaa sheegay inay baaritaanno ku sameyn doonaan dhacdo dad rayid ay ku dhinteen oo maalin ka hor ka dhacday deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose.

War-saxaafadeed ay soo saartay AMISOM ayay ku sheegtay in tiro dad rayid ah oo ay carruuri ka mid tahay ay ku dhinteen qaar dhaawacyo ay kasoo gaareen tacshiirad u dhaxeysay ciidamadooda iyo xoogagga Al-Shabaab oo oo ka dhacday meel aan ka fogeyn deegaanka Leego.

“AMISOM way fahamsan tahay waajibaadka ka saaran yaraynta khasaaraha shacabka kasoo gaara dagaallada, waxaan baaritaan ku sameynaynaa wixii dhaliyay dhacadada ay shacabku ku dhinteen,” ayuu war-saxaafadeedka ku yiri ku simaha taliyaha AMISOM, Jen. Salvatore Harushimana.

February  11, 2013: Wakaaladda wararka AP ayaa maalintaas daabacday in  Guddi wadajir ah oo ka koobnaa AMISOM iyo dowladda Soomaaliya ay baaris ku sameeyeen kiis ku saabsanaa dil ka dhacay deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada hoose.

Guddiga waxay ku heleen ciidamada AMISOM inay geysteen toogashada dadka rayidka ah ee lagu dilay deegaankaas.

Baarista ayaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM ay geysteen dilka toddoba qof oo shacab ah, kuwaasoo ay ku jiraan shan caruur ah.

January 28, 2014:  9:00-kii subaxnimo ayey Ciidanka AMISOM oo si xowli ah ku socda ay jiireen nin lagu Magacaabo Salax Nuur Maxamed, ninkan ayey ku jiireen Wadada Maka Al-Mukarama, ninkan oo Texiile ah, Waxaa uu lahaa 9 Caruur ah(3 wiil iyo 6 Gabdhood), ninkan la jiiray Maskaxdiisiina meesha ayey ku daadatay, isla markiina nafta ayaa ka baxday.

April 18, 2014: Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in Magaalada Marka ay Dad Shacab ah ku laayeen, kadib markii Qaraxa loo dhigay dartii ay Rasaas Dhankasta u rideen.

Gudoomiyaha degmada Marka Max’ed Cismaan Yariisow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ugu yaraan Rasaasta ay Fureen Ciidamada AMISOM ay Dishay Labo Ruux 5 kalena ay Dhaawacday.

September 18, 2014: mid ka mid ah gawaarida ay leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa maalintaas qof shacab ah ku jiiray is goyska foloransa ee degmada warta Nabadda, qofka uu jiiray gaariga dagaalka ee AMISOM ayaa ahaa canug 10 jir ah kaas oo goobta marayey.

Ciidamada AMISOM ee Cunuga Jiiray ayaa ka Cararay Goobta waxaanaGoobta Banaanbax ka dhigay Dadka Deegaanka iyo Ehelada Wiilka la jiiray, Ciidamada Dowaladda  ayaa la sheegay in ay kala Eriyeen Dadkii isku soo baxay Rasaasna ay ku Fureen..

October 14, 2014: Qof kusugan Marka Cadeey ayaa usheegay Idaacada Goobjoog in Askarta AMISOM ay dhimasho iyo dhaawac qaraxaasi uu kasoo gaaray ilaa seddex Askari oo ka dhaawacantayna uu isagu arkay.

Sidoo kale waxa uu sheegay qofkaasi deggan Marka in Rasaas ay ciidanka AMISOM fureen uu ku dhintay wiil ka mid ahaa dhalinyarada Xaafada Roosiya oo Marka ku taalla dad kale oo dawarsanayana ay dhaawacyo rasaasta kasoo gaartay.

October 22, 2014: Askar ka tirsan ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la sheegay inay saddex nin oo odayaal ah ay ku dileen magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabelaha hoose, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan qaabka ay odayaasha u dileen.

Sida warku sheegayo kolonyada Ciidanka Amisom oo maraayay Suuqa Dhuxusha ee Magaalada Markaayaa waxaa la sheegay in bambaanooyin lagu weeraray, loona raaciyay rasaasta qoriga darandooriga ka dhacda, wixii markaasi ka dambeeyay ayay Amisom afarta jiho u riday rasaas culus, sidaasina ay raastii ay ciidamadu rideen ay ku dhinteen saddexda nin oo ka mid ahaa odayaasha magaalada, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo kale.

November 3, 2014: Warar ay Goobjoog News ka heshay Xaafadda Dabakaayo Madoow ee degmada Dharkeenleey ayaa waxay sheegeen in gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM uu dad shacab ah ku jiiray halkaasi.

Shan qof ayaa la sheegay in dhaawac uu soo gaaray, waxaana dadka dhaawacmay Laba ka mid ah ahaayeen Haween halkaasi Khaat ku iibinaayay, halka sedaxda kalena yihiin dhalinyaro goobta ku sugnaa.

December 11, 2014: Ciidamada Amisom ayaa waxay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen saddex nin oo ka tirsan dadka deegaanka, ka dib markii si bareer ah ay rasaas ugu furayn, xilli ay goob isugu geeyeen dad fara badan, dadkaas ayaa la aasay maalintii xigtay iyadoo duugta ay kasoo qeyb galeen dad aad u careysan.

Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Ammaanka ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Cali Nuur Maxamed, oo ka hadlay tallaabada dadka rayidka ah lagu dilay, ayaa wuxuu ku tilmaamay wax aad looga xumaado.

December 13, 2014: Ciidamada AMISOM wiil iyo gaari ku jiiray agagaarka Baar FIAT ee magaalada Muqdishu.

December 16, 2014: Ciidamada AMISOM ee ku sugan xarunta gobolka Shabeellada Hoose ee Marko ayaa qof rayid ah ku toogtay bartamaha degmadaas, saddex kalena ku dhaawacay rasaas ay fureen, kaddib markii lagu weeraray bam-gacmeed.

Qofka ay ciidanka AMISOM toogteen iyo saddex kale ee ay dhaawaceen ayaa ahaa rayid, iyagoo sheegay in qofka ay toogteen uu ahaa ruuxii bamka kusoo tuuray

January 28, 2015: Sida ay shegeen dad ku sugnaa Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho mid kamid ah gaadiidka AMISOM ayaa wuxuu dulmaray qof shacab ah oo ku sugnaa Isgoyskaasi.

Gaarigaan oo ka yimid dhanka Garoonka Muqdisho, ayaa wuxuu kamid ahaa kolonyo gaadiid ah oo AMISOM ay wateen,

Markii uu qofkaasi dar-daray gaariga ayaa durba uu meesha ka dhaqaaqay isaga oo aan u istaagin falkii uu geystay.

January 29, 2015: Sadex askari oo ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxaa maanlintaas lagu xiray Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay burbur u geysteen laba gaari oo midkood uu hoomeey yahay, halka midka kalana uu nooca raaxada. Labada gaari oo ku sugnaa aagga Isgoyska Zoope,  labadii darawal iyo sarkaalkii lagu waday baabuurkaas ee saarnaa

 

February 7, 2015: Ciidamada AMISOM oo ku sugan magaalada Baladweyne gaar ahaan xaafadda Howlwadaag ayaa rasaas ku furay dad shacab ah, halkaasi oo qasaare nafeed ay ka dhalatay. Qof dhaqtar ah ayaa la xaqiijiyay in halkaasi uu ku dhintay Shan kalena dhaawac uu kasoo gaaray, sida goobjoogayaal ay inoo sheegeen.

March 16, 2015: Ciidamo Itoobiyaan oo kasoo gudbay xudduuda ayaa weeraray degmada Buuhoodle ee Gobolka Sool, iyadoo ciidamadan ay doonayeen inay gacanta ku dhigaan Macalin dugsi qur’aan ah.
Sida ay sheegayaan wararka ciidamada Itoobiyaanka ayaa markii dambe ku guuldareystay isku daygooda ahaa inay qabtaan ninka macalinka ahaa, kadib markii uu baxsaday balse waxaa ay halkaas ku dhaawaceen haweenay arday ahayd.

April 10, 2015: Mid kamid ah Gawaarida ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayaa maalintaas Wiil yar oo Dadiisa lagu qiyaasay 10 Sano jir waxaa uu ku jiiray Aga gaarka Wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta Ee Degmada Boondheere, waxaana la sheegay in Gaarigii Falkaasi geystay  uu iskaga dhaqaaqay goobta.

Wiilka uu jiiray Gaariga ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayaa Dhaawac Culus waxaa uu ka soo gaaray Madaxa, waxaana la dhigay Mid kamid ah Isbitaalada Muqdisho oo Xaaladiisa Caafimaad lagu Dabiibayo.

May 31, 2015: 45 qof ayey New Police-ka Itoobiya ku dileen xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, 29 kale ayey dhaawaceen.

July 11, 2015: Ciidanka AMISOM ayaa si aan kala sooc laheyn dad badan ku laayey Marka gaar ahaan xaafadaha Beyturaas iyo Jujuumo ee Degmadaasi.

Sidoo kale waxa jira dad amisom ay ku dishay Suuqweynaha Wajeer oo ay rasaas la dhacday dhalanyaro ku jiray goob Tima jaraha ah, waxaa halkaasi ku geeriyooday Wiilkii tima jaraha ahaa iyo wiil kale oo Tinta Markaasi loo jarayey.

Dadka Deegaanka oo argagax ka muuqdo ayaa ka  barakacay guud ahaanba xaafadaha ay Amisom beegsaneyso.

Tirada la dilay maalintaas ayaa gaartay in ka badan 13 ruux, waa inta  indhaha la saaray ilaa 6 ruux oo qaarkood ay ku yaalaan xabado tira badan oo lagu asqeeyey.

Waxaa kalo jira dad kale oo xaafadaha ay ku dishay amisom oo aan loo tagi Karin meydadkooda xilli amisom qofka ay aragtaaba ay dileyso.

Isbitaalka Guud ee Degamada Marka ayaa la gaarsiiyey ku dhawaad 20 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan, kal-kaaliyayaal ku sugan isbitaalka ayaa sheegaya in dhawacyada la keenay isbitaalka aanu ku filneyn. maadamaa isbitaalka aanu lahayn dhakhtar iyo daween ku filan midna.

July 12, 2015: Ugu yaraan 10 qof oo shacab ah, ayaa ku dhimatay duqeymo ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka fuliyen deegaano dhaca xuduuda Soomaliya iyo Kenya. Dhammaan dadka dhintay, ayaa ahaa shacab. Dugsi Qur’aan ku yaala Deegaanka Nus-dariiqa, ayaa waxaa ku soo dhacay gantaal, waxaana la soo sheegayaa in ay ku dhimatay ugu yaraan shan cunug oo da’doodu ay 10 jir ka yar tahay.

July 16, 2015: Diyaarad dagaal-ka ayaa waxay aroornimadii hore ee maalintaas  duqeymo ka fuliyeen Deegaanka Juungal, oo qiyaastii 30km u jirta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaarad ay ka fulisay Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Duqeyntaasi oo dhacday goor aroortii ah sida ay sheegayaan wararka Gedo ka imaanaya. Ugu yaraan labo qof ayaa la sheegayaa in duqeynta lagu dilay, waxa ay ka dhacday Duqeyntaan Duleedka Degmada Baardheere,

July 21, 2015: Ciidamada AMISOM ayaa ku dilay xaafado ku yaalo Magaalada Marka dad rayid ah kadib markii ay ugu galeen guryahooda iyo goobaha shaqo, Agaasimaha Cusbitaalka Marka ayaa Goobjoog News u sheegay in 24 dhimatay iyo 22 kale oo dhaawac ah ay tahay Khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaaray  ciidamada AMISOM dadka ay AMISOM dishay waxaa ku jiray Beeraley iyo Haween.

Xildhibaan Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa Goobjoog News u sheegay in arinta AMISOM geysatay ay tahay xadgudub, isagoo intaa raaciyay in tacadiyada AMISOM la horgeyn doono gudiyada Difaaca, adeega bulshada iyo xuquuqul Insaanka si dadkii khasaaraha soo gaartay Magdhaw u helaan.

Dhanka kale midowga bulshada rayidka ee SOSCENSA iyo hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dowladda in lala xisaabtamo AMISOM.

July 21, 2015: Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa rasaas ay ku fureen gaari ay la socdeen dad rayid  ah ku dilay qof rayid ah, qof kale oo rayid ahna ku dhaawacay.

Dhacdada ayaa ka dhacday degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, dadka la rasaasadeeyay ayaa la socday gaari nuuca Hoomeyda ah,waxayna  wadada kula kulmeen kolonyo ay wateen Ciidanka Amisom, iyadoona ay rasaas ku fureen.

July 22, 2015: AMISOM ayaa iska fogeysay in ay dishay Rayid ah July 21,keedii, Qoraal kasoo baxay taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamada ku sugan magaalada Marko ay howlgal ka sameeyeen goob ay sheegeen in lagu tababarayay Alshabaab oo ka tirsan xaafada Ceel Hindi ee magaalada Marko.

Qoraalka kasoo baxay AMISOM ayay ku sheegtay in iska hor imaad ka dhacay magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose ay ku dileen ku dhawaad shan ruux oo ay sheegeen iney Alshabaab ka tirsanaayeen.

Laakiin gudoomiyaha degmada Marko ayaa Idaacada Risaala u sheegay in dad rayid ah ciidamada AMISOM ku dileen magaalada Marko, kuwaasi oo rasaas ay ku fureen kadib markii qaraxyo lala eegtay ciidamada.

July 25, 2015: ugu yaraan 10 qof oo ku dhimatay duqeyn ka dhacday Buurhakaba.

Diyaarad dagaal ayaa waxay ay duqeymo dad badani ay ku dhinteen ka fulisay Deegaanka Dalandoole Ee Duleedka Degmada Buurhakaba Ee Gobolka Baay.

Mid ka mid ah Haweenka deegaanka ayaa u sheegtay Goobjoog in dad elahadeeda oo qax ahaa la duqeeyay, dadka la dilay waxaa ku jiray 4 caruur ah iyo hooyadood.

July 31, 2015: Warar aan ka helnay Marka ayaa sheegay  Askar ka tirsan AMISOM ay dad shacab ah mar kale ku dileen magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyay 6 qof oo shacab ah ayeey ciidamada AMISOM ku dileen magaalada Marka, waxaana dadka la dilay la sheegay inuu ku jiray Aabe iyo Caruurtiisa.

Qaraxa  ayaa lala beegsaday AMISOM Gaari ay wateen  halkaasna ay ku burburtay Booyad Biyo u waday Ciimadda , Sidoo kale waxaa jira dad dhaawac soo gaaray, kuwaa oo la geeyay Isbitaalka magaaladaasi .

Qof ku sugan magaalada Marka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in ciidamada AMISOM ay guryaha ugu galeen dad shacab ah, islamarkaana rasaas ay ku fureen.

August 3, 2015 : Golaha Wasiirada oo uu shir gudoominayey  Ra’isul Wasaare ku xigeen Maxamed Cumar Carte ayaa Guddi u magacaabay tacadiyo  AMISOM iyagoo sheegay in Golaha Wasiirada ay  guddi u magacaabeen dilalka AMISOM.

August 4, 2015 – Bogga AMISOM  ee Internet-ka waxaa lagu daabacay “The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has noted with serious concern allegations relating to civilian deaths, made against its troops in Marka, Lower Shabelle Region.”

August 8, 2015: Wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in askar ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ka midka ah howlgalka AMISOM ay Lix qof oo shacab ah ku dileen duleedka deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan.

Gudoomiyaha deegaanka Halgan Mustaf Xorow Nuur oo wareysi siiyay Goobjoog News, ayaa sheegay in shacabkaan ay saarnaayeen gaari yar, islamarkaana ay ku socdeen waddo aan laamiga ahayn, iyadoo markii lagu amray in gaadiidka ay istaajiyaan ay isku dayeen in ay dib u laabtaan balse rasaas lagu furay, Dhaawaca waxaa la sheegay ilaa lix qof.

August 10, 2015: Ciidamada Itoobiya ee gobolka Hiiraan ayaa raalligalin ka bixiyay dil ay u geysteen dad rayid ah oo ay ku laayeen Halgan.

Ku xigeenka Taliyaha ciidanka Militariga Mohamed Aden ayaa sheegay in wada hadal ay la galeen Itoobiya iyo odayaasha deegaanka kadib, Itoobiya waxaa ay raalligalin ka bixisay dadkii ay dishay.

August 12, 2015: Gawaarida AMISOM oo qof rayid ah ku jiiray Muqdishu , Nin  lagu magacaabo Cabweli Abukar Cabdulle oo 25 jir ah, isla markaana Mooto watay ayey gadiidka AMISOM ku dardareen Jidka Warshadaha, qeybta degmada Hodan.

Dhaawac daran ayaa kasoo gaaray kadib markii ay lug ka buburtay, saraakiisha Ciidamada dowlada, maamulka Hodan iyo mas’uuliyiinka ka tirsan gobolka ayaa wada hadal la gadaly AIMSOM waxaa  la isku afgartay qarashka ku baxaya daaweyntiisa, Bukaanka ayaa la dhigay Isbitaala lafaha ah oo ku yaalo Degmada Howl-wagaad.

Guddoomiyha degmada Hodan Axmed Salaad Ibrahim ayaa Goobjoog u sheegay in AMISOM isla todobaadkan ay dardareen nin madaxa loo jiro oo hadda lagu dhabiibato Isbitaal Madiina.

August 15, 2015: Guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dib loo eegayo dhibaatooyinka ay ciidamada AMISOM ka geysteen dalka wixii ka dambeeyay sanadka 2011-ka.

Gudoomiyaha guddigaasi Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ay la kulmeen madaxda AMISOM, lagana wada hadlay wax walba oo dhacay.

Waxa uu sheegay in AMISOM ay diyaar u yihiin wax walba oo ku cadaada in magdhaw ay ka bixiso, waxaana uu sheegay in dhankooda iyaguna ay cabsho kasoo yeeraysay, taas oo ku aadan in Marka aanu ka jirin nidaamkii dowladda.

September 27, 2015: AMISOM ayaa wiil kubad ciyaarayey ku dishay Istaadium Muqdisho, Wiilka oo lagu qiyaasay 14 sano jir  laguna Magacaabay  Maxamed Bashiir ayey Naado Maxamed Ciyoow oo ah hooyada dhashay Wiilkaan ay dileen ciidamada Amisom ayaa sheegtay inay doonayso in laga caawiyo sidii maxkamad loogu soo taagi lahaa Askariga ka tirsan ciidamada Amisom ee dilay Wiilkeeda.

October 14, 2015: AMISOM ayaa  Duleedka Degmada Marka  ku Dishay Nabadoon Caan ahaa islamarkaana halkaasi dhaawaceen labo kale oo Shacab ah.

Ugaas Cabduqaadir Ugaas Xuseen, oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee ku sugan Degaanka Gandarshe ayaa sheegay in Dilka Nabadoon Suldaan Fiidoow Sheekh Maxamed uu yimid kadib markii Ciidamada AMISOM ay rasaas ku fireen Dad doonayay in ay ka barakacaan Degaanka Gandarshe.

Labada Ruux ee ku dhaawacmay Rasaasta ay fureen Ciidamada AMISOM ayaa loo qaaday Isbitaal si halkaasi Xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.

October 24, 2015: Gawaarida Ciidanka Amisom oo xoog ku mara wadooyinka Magaalada Muqdisho, ayaa waxay jiireen nin dhegaha la’, xilli uu maraayay meel ku dhow Garoonka Aadan Cadde.

Gawaarida Amisom oo ku sii jeeday Xaruntooda Xalane, ayaa waxay damceen inay ka cararaan dhibanaha, balse waxaa ka daba qayliyay oo eryaday dad goobtaasi ka dhawaa, taa oo sahashay in Amisom ay qaado dhibanaha.

November 3, 2015: Wararka ka imaanaya Duleedka Garoonka Bali-doogle ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM ay  ku dileen Qof Rayid ah islamarkaana ay ka Xaysteen Saddex kale.

Qofka dhintay oo ka mid ahaa Dadkii Howlgalka lagu qabtay ayaa la sheegay inuu isku dayay inuu ka baxsado Ciidamada AMISOM ee Gacanta ku dhigay,iyadoo markii uu cararay kadib ay Ciidamada AMISOM Toogteen,halkaana uu ku geeriyooday.

Sidoo kale Ciidamada AMISOM ayaa horay u watay Saddex Ruux oo kamid ahaa Dadkii lagu soo qabtay Howlgalka.

November 21, 2015: Waxaa geeriyootay 3 Qof tiro kalana way ku dhawacmeen rasaas Ciidamada AMISOM ay kufureen dad shacab ah oo ku sugnaa Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Rasaastan ayaa Ciidamada AMISOM waxay fureen markii qarax lagula beegsaday Magaalada Marka gaar ahaan bartaha Magaalada.

W/Q: Aweys Xaaji Nuur-Aar.

Goobjoog News, Warbixintan Lama Xigan Karo.