U bood dhigaalka

Saciid Cabdulahi Maxamed Oo Sheegay In Uu Yahay Murashax Madaxtinimada Soomaaliya 2016-ka

Sheeko:Baarlamaanka

Saciid Cabdulahi Maxamed oo maanta wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News daqiiqado kadib markii uu ku dhawaaqay murashaxnimadiisa  doorashada madaxtinnimo ee 2016-ka ayaa si cad u sheegay in uu yahay ninkii ku haboonaa marxaladda soo socota marka la fiiriyo khibradda iyo aqoonta uu leeyahay iyo xitaa ogaashihiisa xaaladda dalka.

Goobjoog News mar ay weydiisay waxa uu uga duwan yahay raga u sharaxan madaxtinnimada doorasho ee 2016-ka waxaa uu ku jawaabay

“Qof kasta oo u soo hanqal taagaya waa muwaadin Soomaaliyeed oo xaq u leh, waxba ku kala duwana, waxaa ay ku kala duwan yihiin waa barnaamijka siyaasadeed iyo record-ka siyaasadeed ay leeyihiin taas oo fursad u siineysa dadka wakiilka u noqon doona umadda Soomaaliyeed in ay ku kala saaraan, waxaa aaminsanahay muddadii aan soo shaqeynayey, Khibraddeyda iyo dadka meesha jooga aqoonta ay ii leeyihiin in aan noqon karo qof ku haboon marxaladda soo socota, kana bixin kara shacabka Soomaaliyeed dhibaatada amni darro iyo dhaqaale xumida heysata”.

Goobjoog News ayaa sidoo kale mudane Saciid weysiisay wax uu qaban karayo haddii la doorto?

“Waxaa ugu weyn in aan dhowro sharciga iyo dastuurka dalka, dadka waxa ay ku heshiiyeenna aan ilaaliyo, umadda Soomaaliyeedna aan midnimadooda iyo wada jirkooda aan ka shaqeyo, Kalsoonida bulshada dhexdeedana aan dib u soo celiyo..haddii intaa aan ku guuleysto waxaa aaminsanahay in dalka uu nabad iyo barwaaqo noqon doon anigoo hey’adaha dowladda ku dhiirigelin doona in shaqadooda gutaan si madax banaani ah kuna ilaalin doona”.

Goobjoog News ayaa wax ka weydiisay Saciid Cabdilahi sababta qofka marka la doorto ay u kala duwanaadaan ballamihii uu shacabka ka qaaday iyo ficillada uu ku dhaqmo doorashada kadib?

“ Muddadii 25-ka sano aheyd ee burburka jiray waxaa dadka ku dhacay nasiib darro lagu qiimeyn waayey dadka, maxaa yeelay hey’ado dowladeed oo dadka siyaasadda matala lagu garo ma jirin…Jiilka cusub fursad lagu barto lama helin, 2016-ka waa ka duwan tahay, dadka tartama badankoodu waa dad xilal Soomaaliya u soo qabtay, waa dad la yaqaano recodkooda, waa dad waxa ay sheegayaan in ficilkooda hadda la qiimeyn karo…marka qofkii horay wax inta uu sheegay fulin waayey dee dadka ayaa la xisaabtamaya, weyn garanayaan, qofkii wixii lagu ogaa qabtana..dadka iyaga ayaa garanaya..Mana filaayo maanta nin waxa uu yahay qarsoon in uu jito” .

Goobjoog News waxaa ay Mr. Cabdilahi weydiisay haddii ay jiraan dalal uu gacan saar la leeyahay?

“Waxaan filayaa qof dadkiisa u tartamaya in uu yiraa dad kale ayaa gacan saar la leeyahy in ay tahay qadaf iyo arrin aan wanaagsaneen, waxa aan ka tartamaayo waa bulshadeyda dhexdheeda iyo dadkeyga, dadkeyga ayaa codkooda iyo kalsooni ka rabaa, dadkeyga ayaan u soo bandhigaa in aan u shaqeeyo, oo daacadnnimo ugu shaqeeyo, waxaan rajeynayaa in dadkeyga kalsoonidiisa ku shaqeyn doono, uma baahna dadka Soomaaliyeed in cid kale danahooda khaaska ah soo farageliyaan, dowladdu xaq bey u leedahay in caalamka la tacaamusho, oo la noolaato, oo wax la qeysato, Laakin qof wax doon ah in uu yiraahdo qolo ayaa i wadato waa arrin aan habooneyn oo aan wanaagsaneen, Anuguna ma ahi kuwa noocaas ah”

 

Saciid Cabdulahi waa Kuma:

Mudane Saciid Cabdulahi waxbarashiisa hoose, dhexe ilaa sare waxaa uu ku qaatay magaalada Muqdisho, Jaamacadda Umadda, qeybta Luqadaha ayuu ka qaatay B.A isagoo Masterka ka qaatay Maamulka, Jaamacadda University of Putra ee dalka Malaysia.

Mr. Saciid shaqooyin badan ayuu soo qabtay waxaa uu Madax ka noqday shirkado badan sida Towfiq International Co., Salalah Macaroni Company, African Horn Co.

Saciid Cabdulahi hadda waa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ah, waxaa uu horay xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed uga soo noqday Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah.

Goobjoog News