U bood dhigaalka

Imisaa La Diley ? Tirada Dadka La Diley Bishii May 2016-ka

Waa Mar kale iyo diwaanka dadka ku waxyeeloobay Soomaaliya bishii tagtay, Goobjoog News ayaa diiwaangalisay Dambiyada iyo Shilalka ka dhacay dalka bishii May 2016-ka intii aan haleelney.

Dadka la diley waxay isugu jiraan mas’uuliyiin xilal sarsare ka hayay dowladda, waxaa jira dad ganacsato ah, haween, waxaase dadka la diley ugu badan askarta ka tirsan dowladda iyo maamulada dalka ka jira.

Waxaa shaxda idiinka muuqan doona in dadka loo yaqaano biro ma geydada ay soo kordhayaan dilalkooda sida haweenka oo kale oo iyagu horaan aanan loo dili jirin, tanina waa walwal cusub oo soo kordhey.

Hadaba xaga hoose ayaan kusoo koobney falalkii dhacay bisha May 2016ka oo taariikheysan, magacyada dadka la diley iyo waliba meelaha lagu kala diley iyo qaabka loo diley.

Dhacdooyinka May 2016ka

May 1, 2016: Warar naga soo gaaray magaalada Marka ayaa sheegaya in Bam gacmeed lagu weeraray Ciidamada AMISOM oo marayey gudaha Marka.

Cunug yar ayaa la sheegayaa in uu ku dhaawacmay qaraxa Bam-ka iyadoo ciidanka AMISOM-na ay goobtii hareeyay, iminkana uu baaritaan socdo.

Qof Goobjooge ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in la xiray dhamaan goobihii ganacsi oo ku yaalay bartamaha magaalada Marka Xaaladdana ay aad u kacsan tahay.

May 1,2016:  Deganaansho cago badan ku taagneen ayaa saaka laga dareemayaa degmada Ruunirgood ee gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasi oo dagaallo xooggan ay ka dhaceen.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan waxay ka kala wadaan degmadaasi iyo deegaannada kaabiga ku haya sida ay Goobjoogayaal inoo soo sheegayaan.

Saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aanay hadal dagaalladii shalay ka dhacay degmada Ruunirgood halkaasi oo khasaare badan uu ka dhashay.

Inta la xaqiijiyey 20 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah ayaa shalay dagaalladaasi ku dhintay iyadoo dhaawac intaasi ka badan uu jiro.

May 1, 2016: Wararka inaga soo gaaraaya Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayaan in caawa hal nin lagu dilay Magaalada, iyadoo dhanka kalana ay baxsadeen raggii dilay ninkaasi. Ninkan, ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Suuq Liif ee Degmada Dharkiinley, markii si gaadmo leh ay dhawr xabadood qaarka sare ee jirkiisa kaga dhufteen laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa.

May 1, 2016: Bam Gacmeed ayaa lagu weeraray Ciidanka AMISOM, ugu yaraan hal canug ayaa ku dhaawacmay, qaraxa waxaa uu ka dhacay bartamaha Marka

May 1, 2016: Qarax ayaa ka dhacay, 2 ka tirsan dowladda ayaa ku dhimatay halka 8 shacab ah ay ku dhaawacmeen, qaraxa ayaa ka dhashay miino lagu aasay batamaha Suuqa.

M ay 1, 2016: Askari ayaa lagu dilay agagaarka Saldhigga Galbeed, Askariga waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdi saciid.

May 2, 2016: Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in askari ka tirsan ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti uu Labo qof shacab ah ku dhaawacay xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi.

Qof ku sugan magaalada Baladweyne ayaa u sheegay Goobjoog News in askarigan ay murmeen haweeney uu Khaat ka iibsanayey, kadibna rasaas uu furay ay sababtay dhaawaca Labo qof oo halkaasi ka dhawaa.

Haweeneyda rasaasta lagu furay waxaa la xaqiijiyey inay bad qabto, iyadoo durba uu askarigii falkaasi ka dambeeyay uu halkaasi ka dhaqaaqay.

May 2, 2016: Sida ay  sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan nin macalin Iskuul ahaa ayaa lagu dilay magaaladaasi.

Dilka Macalinkaan ayaa waxaa geystay Kooxo hubaysan, kuwaasi oo ka fakaday goobtii ay dilka ka geysteen sida dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen Warbaahinta.

Macalinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed C/laahi Xaashi, wuxuuna ahaa Barre mid ka mid ah Iskuulada Baledweyne ku yaal wax ka dhigi jiray, iyadoo ilaa hada aanan la ogeyn sababta ka dambeysa dilka loo geystay Macalinkaasi.

May 2, 2016: 2 qof ayaa ku dhaawacnaty Bam gacnta laga tuuray Masjid ku yaalo, Xaafadda Waaberi

May 4, 2016: Bam lagu tuuray Suuqa Adhiga ee Afgooye ee Shabeellada Hoose, Lix qof ayaa ku dhaawactay.

May 5, 2016: Hal askari ayaa ku dhintay, wasiirka amniga ee Puntland dhaawac ayaa ka soo gaaray markii ay is rasaaseyn magaalada Boosaaso ku dhexmartay maanta kooxo ka wada tirsan ciidanka booliiska Puntland.

May 7, 2016: Hal Qof ayaa  ku dhaawacmay qarax Bam oo maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho kaas oo lala eegtay ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Qofka dhawaca uu soo gaaray ayaa ahaa qof biyo ku iibinayay halka qaraxa uu ka dhacay oo ah wadada Labaad ee suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

May 7, 2016: Wararka inaga soo gaaraaya Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxay sheegayaan in Salaaddii Maqribka ka dib Magaaladaasi lagu dilay nin ganacsade ahaa. Ganacsadaha oo lagu magacaabi jiray Injineer Cumar Cabdulle Cismaan (Cumar Dheere), ayaa waxaa lagu toogtay xaafadda Israac ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, xilli uu ka soo baxay Masaajidkii uu Salaadda ku soo tukaday.

May 7, 2016: Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, Qarax Khasaare geystay ayaa halkaasi ka dhacay.

Qaraxan oo ahaa Bambada gacanta lagu tuuro ayaa lagu weeraray ciidamo ka tirsan Dowladda, gaar ahaan ciidamada Booliska oo taagnaa Agagaarka Salaam Bank Xarunta Bakaaraha.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay labo Askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda inay ku dhaawacmeen Qaraxaasi, halka ruux shacab ah oo cabitaan ku iibinaayay goobta qaraxa uu ka dhacay isna dhaawac uu soo gaaray.

May 7, 2016: Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Buuraha Galgala ee Gobolka Bari, askari ka tirsan ciidamada Puntland, ayaa ku geeriyooday halka mid kalena uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay halkaasi. Labadan Askari oo lugeynaayay kuna sii jeeday Magaalada Boosaaso ayaa qaraxan lala eegtay, xilli uu roob da’aayay

May 8, 2016: Dhibanaha oo gaari BL ahaa laga saaray Deegaanka Shalambood, kuna sii jeeday Magaalada Marka, ayaa waxaa wadada u galay gaarigaasi maleeshiyaad hubeysan, kuwaa oo xoog gaariga ugala degay ninkii xanuunsanaayay.

Maleeshiyadan oo gaariga ku joojisay Deegaanka Buufow oo qiyaastii 3km u jirta Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa isla Deegaankaasi Buufow ku toogtay ninkaasi.

Gudoomiyaha Deegaanka Shalambood, Nuur Cismaan Raage oo ka hadlay dilka ninkaasi, ayaa wuxuu ku tilmaamay fal aad u fool xun, kana dhan ah bani’aadanimada.

Gudoomiyaha oo magaca ninkaasi ku soo koobay Faarax, ayaa wuxuu sheegay inuu ahaa nin xagga madaxa looga jiray, isagoo intaa ku daray in laga garanaayay Shalambood.

May 9, 2016:  6 qof ayaa ku dhimatay halka 15 kale ay ku dhaawacmeen weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Xarunta

May 10, 2016: Rag ku hubeysan bistoolado ayaa lagu soo waramayaa in saakay ay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dileen ruux ka tirsan shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ragga wax dilay ayaa waxay saarnaayee sida la sheegay Mooto Labo Lugood, iyaga oo dilka ka dib baxsaday.

Marxuumka dhintay ayaa kasoo baxay masjid ku yaalla degmadaasi, hase ahaatee waxaa lagu toogtay meel aan sidaa uga fogeyn masjidka.

May 11, 2016: qof ayaa lagu dilay xaafadda Wadajir ee magaalada Muqdisho

May 11, 2016: Dagaal u dhaxeeyay ciidamada deegaanka ah iyo kuwa kale aya ka dhacay deegaanka Gamboole ee gobolka Shabellaha dhexe, halkaasi oo khasaare uu ka dashay.

Waxaa halkaasi ka biloowday dagaal saacado socday, iyadoo la xaqiijiyey in dagaalkaasi ay ku dhinteen 4 qof oo shacab ah.

May 11, 2016: Maamulka Degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay weerar ka dhacay deegaanka Ceel Timir oo 15 KM u jira degmada Galcad.

Guddoomiyaha degmadaasi Khadar Maxamed Cabdi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in weerarkaasi uu dhacay xilli saq dhexe islamarkaana ay ciidanka dowladda dileen 15 qof dileen.

May 18, 2016: Ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa Degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku toogteen nin la sheegay inuu dilay ruux shacab ah oo ku sugnaa Degmadaasi.

Ninkaan oo watay Bistoolad iyo Bam gacmeed ayaa ruux shacab ah ku dilay Degmadaasi, waxaana durba dabagalay oo ceyrsaday ciidamada ammaanka Somaliya, iyadoo ninkaan uu diiday inuu isku dhiibo ciidamada.

May 19, 2016: Qarax Ismiidaamin ah ayaa ka dhacay Maqaahi ku taallo Cali Kamiin, Afhayeenka gobolka oo qaraxa kadib warbaahinta la hadlay ayaas sheegay in laba qof qaraxaasi ku dhimatay, halka sideed kalana ay ku dhaawacantay. Laba ka mid ah dadka dhaawacmay buu yiri waa dumar.

May 19, 2016: Waxaa la soo afjaray dagaalka Baladweyn, dagaalka oo ahaa mid sokeeye waxaa uu socday in ka badan hal todobaad, waxaana ku dhintay in ka badan 20 qof.

May 22, 2016:  Magaalada Caabudwaaq waxaa lagu dilay 4 qof, Dilalkan waxay salka ku hayaan aanooyin qabiil.

Hal nin, ayaa waxaa uu Magaaladaasi ku dilay saddex nin. Laba ka mid ah ragga uu dilay waxaa la sheegay inay wada socdeen, isla-markaana ay ehelo ahaayeen. Ninka saddexaad wuxuu dilay, markii uu wax ka weydiiyay sababta uu ku dilay raggaasi.

May 22, 2016: Degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe ciidamada Dowladda ayaa toogasho ku dilay saddex nin,  Guddoomiyaha Degmada Aadan Yabaal Maxamuud Sheekh Xasan oo la hadlay Radio Muqdisho, ayaa sheegay in ciidamada Dowladda ay saaka toogteen saddex nin oo Shabaab ah.

May 23, 2016: Bam ayaa lagu qarxiyay Bam lala eegtay gaari ay laheyd NISA oo marayey KPP, Hodan, 2 Nisa, Qof jidka Maraayo iyo Nin Bajaajleh ayaa ku dhaawacmay.

Ciidankan oo ku soo sii jeeday Magaalada Boosaaso, ayaa waxaa la sheegay in si lama fillaan ah uu qaraxaasi u haleelay, waxaana ku dhimatay laba askari, halka afar kalana ay ku dhaawacantay

May 23, 2016: Askari ka tirsanaa Ciidanka Militariga Somaliya ayaa lagu dilay Degmada Dharkiinley, oo dhacda galbeedka Magaalada Muqdisho.

Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa waxay askarigaasi ku dishay xaafadda Xaalfoy, iyagoo ku dhugtay xabado badan kadibna meesha ka baxsaday.

May 24, 2016: Millateriga dalka Kenya ayaa sheegtay 21 ka tirsan Ururka Al Shabaab inay ku dileen dagaalkii ka dhacay Gobolka Jubbada hoose, kaasi oo u dhaxeeyay Shabaab iyo ciidamada Kenya.

May 24, 2016: Dagaal ayaa ka dhacay degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo, inta la xaqiijiyay 6 qof ayaa ku dhimatay, waxaana la sheegayaa in dhinacyada dagaalay aanay fariisinkooda kala fogeyn.

May 25, 2016: Mid ka mid ah gaadiid dagaal oo ay wateen Ciidanka Puntland, ayaa waxaa uu maanta qarax ku haleelay Deegaanka Buuraleyda Galgala, oo 50km dhinaca koonfureed kaga toosan Magaalada Boosaaso.

May 26, 2016: Qarax Miino oo ay ku dhaawacmeen guddoomiyaha, guddoomiye ku xigeenka iyo madax maaliyadda ee Degmada Buurdhuubo ayaa ka dhacay degmadaas.

May 28, 2016: Qarax lala eegtay NISA, Askartan oo ka baxday Magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday Deegaanka Siinka Dheer oo ku yaala wadada xiriirisa Muqdisho iyo Degmada Afgooye, ayaa waxaa qaraxaan lagula eegtay Deegaanka Tarey Disho.

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada laba askari iyo dhaawaca laba kale, iyadoo sidoo kalana uu qaraxaasi burbur xoogan u gaystay gaarigii ay la socdeen Ciidanka Nabad Suggida ka tirsan.

May 29, 2016: Wiil ayaa lagu dilay Sey Biano, Lama oga sababta.

May 30, 2016: Sarkaal ciidan ah ayaa lagu dilay Degmada Waaberi Ee Gobolka Banaadir, iyadoo dhinaca kalana ay baxsadeen rag bistoolado ku hubeysnaa oo si gaadmo leh ku dilay Sarkaalkaas. Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Mustaf Xaaji Dhicisow, ayaa Salaaddii Maqribka ka dib ee caawa lagu dilay agagaaraha Masaajidka Xaaji Aabow

May 31, 2016: Qarax ayaa ka dhacay qoryooley, weerar ayaa lagu qaaday goob ay fadhiyeen ciidamada dowladda, Laba Askari, ayaa ku dhimatay Qaraxaasi, halka ay dhaawacmeen labo ruux oo shacab ahaa, kuwaasi oo fadhiyay meel ka dhaw halka lagu weeraray ciidamada Dowladda.

Goobjoog News

Mawduucyada:Dilalka