U bood dhigaalka

5 Ablikeeshinno Aad U Baahan Tahay Bishan Barakeysan Ee Ramadaan

Haddii aad dooneyso inaad sida ugu wanaagsan uga faa’idaysato bisha barakeysan ee “Ramadaan”, waxaa kaa garabsiin kara mobile-kaaga Smartphone-ka ah ee aad wadato oo barnaamijyo nacfi leh aad internet-ka kala soo degayso.

5 Ablikeeshin yaaney ku seegin inaad kala dagto mobile-ka, waxaad ku heli kartaa iOS iyo Android labadaba.

1- Ducada Muslimka  “Dua Muslim”

App-kan waxaad ka helaysaa ducooyin faa’iido badan oo loo qaybiyay 18 qaybood oo iskugu jira ducooyin iyo adkaar. Si isku mid ah ayaa caruurta iyo dadka waa weyn ay uga faa’iidaysan karaan, ducooyinkana ugana xifdin karaan.

2- Muslim Pro

Waxaa dhici karta in application-kani yahay kan ugu muhiimsan bishan; waxaad ka helaysaa xilliyada salaadda goob kasta oo aad ku sugan tahay, waxaad ka helaysaa Qur’aan akhris, tarjumaad iyo dhawaaqa saxda ah ee tajwiidka.

Waxaa sidoo kale aad ka helaysaa tusbax aad wardigaaga ku tirsan karto, waxaa kale oo aad ka helaysaa masaajidda iyo maqaaxiyaha kuugu dhow goob kasta oo aad Adduunka ka joogto.

3- Lose it

Haddii aad ka baqaneyso in miisaankaagu kordho bisha barakeysan ee Ramadaan app-kan aad ayuu kuu anfacayaa, waxaad ka helaysaa liiska maaddooyinka cunnada iyo macluumaad aad ku kala dooran karto, adigoo shay walba si dhow u diiwaangashanaya.

4- Talabat

application-ka waxaad ku dalban kartaa afurka, waxa uu kuu soo bandhigayaa 1700 oo maqaayadood oo kuu dhow kolba tii aad doontana aad wax ka dalban karto.

5– Quran Majeed

Ablikeeshin-ka “e-Quran” waxa uu kaa saacidayaa qur’aan akhriska, xilliga aad socoto, adigoo aayad kasta oo aad doonto sida ugu wanaagsan uga raadin kara mobile-kaaga.

Sidaas oo kale waxaad app-ka ka helaysaa tarjumaadda Qur’aanka oo 45 luuqadood ah, waxaa kale oo uu kuu soo bandhigayaa doorashada akhriska kolba sheekha aad doonto oo aad adigu codkiisa ka hesho.

Goobjoog News