5 Arrin Oo Maanta Ka Cusub Doorashada Madaxtinnimada Puntland

Shacabka ku nool dowlad goboleedka Puntland waxaa ay dhagta u taagataan natiijada doorashada madaxtinnimada ee dhici-doonta 8-da bishan.
Haddaba, maanta waxaa ay aheyd maalin aad mashquul u ah, arrimaha dhacay waxaa ka mid ahaa:
1. Go’aanka Ka Dhan Ah Muqdisho: Dowlad goboleedka Puntland ayaa mar kale ku celisay ku wargelinta hay’adaheeda amniga ee ahaa iney dib u celiyaan saraakiisha dowladda federaalka ah ee tagaya magaalada Garoowe.
2. Ammaanka Garoowe: Ciidamada ammaanka Puntland ayaa bilaabey inay adkeeyaan ammaanka magaalada Garoowe, ciidamada howsha loo xilsaaray ayaa kala ah: PSF-ta , Booliiska , Daraawiishta iyo PMPF-ta.
3. Diiwaangellinta Murashaxiinta: Inta badan murashaxiinta waxaa ay shubeen lacagtii lagu xiray, madaxweynnimada oo $20,000 iyo ku-xigeenka oo $10,000 ah.
Murashaxiinta kursiga madaxweynaha u tartamaya ee lacagta shubay waxaa ka mid ahaa: Cali Xaaji Warsame, Maxamuud Jebiye, Siciid Dheere, Siciid Deni , Cabdi Faarax Juxa, Asad Diyaano, Faarax Cali shire, Maxamuud Cabdi Axmed , Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan), Maxamed Axmed Jaamac (Shaale), Cali Cabdi Awaare, Khaliif Ciise Mudan iyo Cabdi Samad Maxamed Gallan.
4. Khudabadaha: Murashax walbo oo u tartamaya labada kursi waxaa uu berri ka hor khudbeyn-doonaa wakiillada Puntland, muddo 15 daqiiqo ah.
5. IGAD OO Garoowe Gaartay: Wafti ka socda urur goboleedka IGAD ayaa gaaray magaalada Garoowe, waxaana lagu wadaa inay korjoogayaal ka noqdaan doorashada 8-da Janaayo.
Goobjoog News
Zjbfjv cdtmnr order cialis online goodrx cialis
Gkvpzs nhetjk online viagra purchase buy generic cialis online
Wdbtrq yqydrp order generic viagra online levitra vs cialis
Ndixrp neopbz viagra online cvs pharmacy
Aqgcho ploopp canadian pharmacy cvs pharmacy
Imvksf ynezrh best online pharmacy Zuort