U bood dhigaalka

5 Qof Oo Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Degmada X/weyne

Sheeko:Dalka

Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa goor dhaw ka dhacay bannaanka hore maqaayad lagu magacaabo Al-hindi taas oo ku taalla degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxani ku geeriyootay 5 qof oo Labo ka mid ah ay yihiin caruur uu dhalay guddoomiye ku xigeenkii hore ee dhanka amniga maamulka gobolka Banaadir Warsame Joodax, iyadoo Afar kale ay ku dhaawacmeen.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari nooca Kaaribta loo yaqaan, waxaana maqaayaddan ay ku dhaw dahay xarunta dowladda hoose ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Xalane iyo guddoomiyaha degmada X/weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qaraxan ulajeedkii laga lahaa aan la gaarin, lana doonayey in shacab badan lagu dhameeyo.

Waxay tilmaameen mas’uuliyiintan inay wadaan baaritaanno ku aadan qaraxan iyo sidoo kale khasaaraha guud inta uu la egyahay.

Xilliga uu qaraxa dhacayey waxaa aad u mashquul ahayd wadada ay ku taallay maqaayadani.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News