U bood dhigaalka

5 Qof Oo Ku Geeriyootay Dagaal Ka Dhacay Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, kaasi oo sababay khasaare kala duwan.

Ciidamada Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay kusoo qaadeen degmadaasi gaar ahaan saldhigga degmada Afgooye iyo xarumo kale oo ciidamada dowladda deganaayeen.

Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa dagaalkii xalay ku geeriyootay, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay tiro intaa ka badan sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Al-shabaab ayaa la xaqiijiyay in ku dhawaad saacad ay gacanta ku hayeen saldhigga degmada Afgooye iyaga oo ugu dambeyn halkaasi isaga baxay.

Saaka markii uu waaga baryey ayaa xaafado ka mid ah degmada Afgooye waxaa lagu arkay Meydad yaalla.

Xaaladda guud ee degmada Afgooye saaka waa ay deggan tahay inkastoo weli maamulka degmadaasi aanu ka hadal dagaalkii xalay halkaasi ka dhacay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News