5 Qof Oo Ku Geeriyootay Qaraxa Ka Dhacay Ex-control Afgooye Ee Muqdisho

Qarax Miino ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Goob la sheegay iney maqaayad ahayd ayaa waxaa ka qarxay miino la tilmaamay in dhulka lagu aasey, waxaana halkaasi ku dhintey 5 ruux, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Goob jooge ayaa u sheegay Goobjoog News in dadka dhintey ay ku jiraan askar ka tirsan ciidanka dowladda oo halkaasi ku sugnaa.

Goobta waxaa ka socda gurmad loo sameynayo dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi, iyadoo halkaasi ay gaareen ciidan badan oo dowladda federaalka ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW