U bood dhigaalka

5 Qof Oo Ku Geeriyootay Qaraxii Ka Dhacay Xarunta Ciidanka Taraafikada Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax gaari loo adeegsaday oo saakay ka dhacay afaafka hore ee xarunta ciidanka Taraafika ee Magaalada Muqdisho kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Xalane oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Qaraxaasi ay Labo qof ka dambeysay mid ka mid ah Labaasi qof ayuu sheegay inuu is qarxiyey halka ruuxa kalena ay dileen askartii halkaasi ku sugneyd.

Afhayeen Xalne ayaa sidoo kale sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen Seddax askari oo ka tirsanaa ciidanka Ilaalada Waddooyinka (Taraafiko).

Sidoo kale Afhayeenka ayaa xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen 8 qof oo shacab ah kuwaa oo isugu jira dad halkaasi marayey iyo kuwo deganaa meel ku dhaw xarunta la weeraray.

“Labo nin oo Al-shabaab ah watayna gaari Kaarib ah ayaa qarax kusoo weeraray xarunta ciidanka Waddoyinka ee magaalada Muqdisho, gaarigii ayeey Albaabka ku qarxiyeen waxaa halkaasi ku dhimatay Seddax Askari oo ciidanka Waddooyinka ah, Labadii nin mid wuu is qarxiyey mid kalena isaga oo doonayey inuu gudaha galo oo uu wax laayo ay kahor tageen ciidankii halkaasi ku sugnaa oo ay iyagu ay toogteen” ayuu yiri Afhayeen Xalane.

Abaare 8-dii subaxnimo ee saakay ayaa qarax aad u xooggan islamarkaana gaari loo adeegsaday waxaa lagu weeraray xarunta ciidanka ilaalada waddooyinka oo ku taalla degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News