U bood dhigaalka

5 Ruux Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyoodey Gobolka Sh/dhexe

Sheeko:Caafimaadka

Shan ruux ayaa lagu soo waramayaa in cudurka shuban biyoodka ugu geeriyoodeen tuulada Buulo Caasi oo kamid ah tuulooyinka hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Dadka dhintey oo u badan Carruur ayaa la sheegay in muddo ay la il darnaayeen cudurkaasi, islamarkaana ay waayeen gurmad caafimaad oo ah midkii loo baahnaa.

Aadan Maxamed waxa uu kamid ah yahay dhallinyarada ku dhaqan Tuulada Buulo Caasi ayaa sheegay Goobjoog News, in ay jiraan dad badan oo la il daran cudurkaasi, islamarkaana dadka xanuunsanaya aaney weli haysan dawo ku filan.

“Cudurka Shubanka waxa uu aad usoo ridanayaa Carruurta, hadda waxaa jiifta carruur ka badan 10, 5 qof ayaa dhintey, welina dadku ma haystaan dawo ku filan, tuuladana maleh Isbitaal dadka lagu daweeyo” ayuu yiri Aadan.

Isbitaalka ugu soo horreeye ee dadkaan loola cararo ayaa ah mid ku yaalla degmada Balcad ee Shabellaha Dhexe, walow ay jiraan dedaal badan oo ay sameeyaan dhallinyarada oo ugu sii gurmadaan dadka xanuunkan la il daran inta Isbitaalka laga geynayo.

Goobjoog News