U bood dhigaalka

5-Sirood Oo Wax Ka Bedeli Doona Habka Aad u Isticmaasho WhatsApp-ka

WhatsApp waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay adeegga farriimaha loogu isticmaalka badan yahay adduunka, tirada dadka si bille ah u isticmaala waxa ay gaaraan 1.5 billion oo qof, farriimaha maalintii la isku weydaarsada waxay gaarayaan 60 milyan oo farriimood.

Dadbadan oo isticmaala “WhatsApp” waxba kama oga iney jiraan siro farabadan oo ku qarsoon, taas oo ay suurtaggal tahay iney wax ka bedesho habka aad u adeegsato.

Warbixin ay ka diyaarisay jariidada “Express”, ayaa waxay ku soo bandhigtay 5-arrimood oo u qorsoon WhatsApp, dadka intooda badani aaney waxba ka ogayn.

1- YouTube

Markii uu qof kuu soo diro muuqaal YouTube ah kuma khasbanid inaad WhatsApp ka baxdo kadibna aad muuqaalka soo daawato.

Cusbooneysiintii ugu dambeysay ee adeegga ayaa kuu saamaxaysa inaad muuqaalka daawato adigoon Whats-app-ka aan ka bixin, sidaas oo kale waxaa kuu suurta-gal ah inaad muuqaalka daawato adigoo qofka aad doonto la sheekaysanaya.

2- WhatsApp Tricks

WhatsApp  waxa uu leeyhay waxyaabo gaar ah oo aad raacin karto muuqaallada iyo sawirrada oo aad si gaar ah ugu calaamadaysan karto.

3- Lacag Diris

Haddii saaxiibadaa aad damacdo inaad lacag u dirto way kuu sahlan tahay, adigoo la hadlaya ayaad lacagna u diri kartaa. Adeeggan ayaa hadda waxaa isticmaala hal-milyan oo qof oo qura, waxaase la filayaa in dhawaan adduunka oo dhan loo fasaxo.

4- Farriimaha oo aad masixi karto

Waxaa dhici karta inaad dirto farriin kaa khaldanta, si fudud ayaad ku masixi kartaa.

Bilowgii hore waxaad haysatay 7-daqiiqo u qura si aad farriimaha u masaxdo, laakiin hadda mudadii waxaa la-gaarsiiyay illaa Hal-saac oo aad farriinta khaldanta aad ku masixi karto.

5- Waad is-qarin kartaa

Adigoo adeegga ku jira ayaan cidina ku ogaan karin inaad ku jirto iyo in kale.

Waxaad aadaysaa Settings, ka dooro Account kasii dooro Privacy, iska xanib last Seen, markii aad tallaabooyinkan qaaddo cid kale kuma arki karto.

Goobjoog News