U bood dhigaalka

5 Tallaabo Oo Kuu Suuraggelinaya Inaad Caan Ka Noqoto Baraha-Bulshada

Waxaa jira dadbadan oo raadiya iney xidigo ka noqdaan Baraha-bulshada, laakiin aan garaneyn wadada saxda ah oo arrintaa loo maro ama sannooyin badan ku dhibaatooda sidii ay dadbadan ay barahooda ugu soo xirmi lahaayeen.

Hadaba, si fudud oo muddo kooban ah si aad ugu hesho dadbadan oo Baraha-bulshada kaalaga socda, waxaad raacdaa waddooyinka hoose oo kuu tilmaamaya habka ugu habboon ee aad ku soo jiidan karto taageerayaal dhanka Baraha-bulshada:

5 Tallaabood oo kaa caawinaya Inaad caan ka noqoto Baraha-bulshada

Tallaabada Koowaad| Adeegso Quruxdaada gaarka ah Waa furahaaga caanimada

Haddii aad tahay qof cad ama maarriin dhalaal ah oo wejigaaguna uu aad u qurxoon yahay, waxaad haystaa hub aad u muhiim ah oo aad ku dagaalgeli karto dhanka Baraha-bulshada, kumanaan qofna aad ku soo jiidan karto.

Adeegso sawirle xirfadle ah oo aad u heersarreeya ama adiguba baro xirfadaha sawirka ee lagama maarmaanka ah, waxaad  iska qaaddaa sawir lagu galay meel muhiim ah ugu yaraan Labadii isbuucba mar.

Haddii aadan qurux dheeraad ah lahayn muhiim maaha arrintaasi, isticmaal adeegga “Check in”, labo jeer isbuucii, dadkana u soo bandhig meesha aad joogto ee aadka u heersarreysa.

Lacag aad ku safarto ma haysatid amaba aad meel heersare ah ku booqatid, taasina muhiim maaha, eego xagal quruxoon hotel aad cabitaan ka dalbatay, si qofka ku daawanaya aad u tusiso in meesha aad joogto ay tahay meel aad u muhiim u ah, caado ahaanna aad meelahaa oo kale booqato, si kasta oo ay xaaladaadu tahay waxaa hubaal ah inaad dad badan soo jiidaneyso.

Tallaabada Labaad|Wadaadnimadaada Ka Faa’idayso

Haddii aad tahay gabar xijaabka ku wanaagsan si wanaagsanna diinteeda ugu dhaqanta, ka faa’idayso oo soo qor qoraallo dhaadheer oo aad kaga hadlayso Jacaylkaaga aad Rabbi S.W heerka uu gaarsiisan yahay, soona raacsii sawirkaaga adigoo si wanaagsan u qurxoon.

Tallaabada Saddexaad|Guusha aad nolosha ka gaarto waa mid aan horey loo arkin oo aan cidina kaaga horreyn

Adigu waxaad tahay haweenayda ugu guulaha badan adduunka meesha aad doontaba aad joogtide, haddii aad tahay Dhaktarad/Engineer/Xoghaye/Guri joogto amaba aad weli ardayd tahay, waxaad dadka u caddeyn kartaa inaad tahay haweenayda dunida ugu guulaha badan, adigoo qoraal dheer ka soo qoraya waxbarashadaada, shaqadaada, noloshaada qoyska, idigoo soo raacinaya markasta sawirkaaga oo lagama maarmaan ah, si aad u soo muuqato, mararka qaar soo raaci halka aad ka shaqayso ama sawirka guriga aad dagan tahay oo dhanka gudaha ah, adigoo tusinaya dadka sida uu u wayn yahay nadiifta u yahay una qurux badan yahay.

Waxaad ka sheekaysaa dhibaatooyinka ku soo waajaha iyo waddooyinka cajiibka ah ee aad kaga tillaabsato, hadana aad ku sugan tahay guusha halka ugu sarreysa oo haweenay kasta ay jeclaan lahayd iney gaarto.

Tallaabada Afaraad|Soo dhig Bartaada sawirka safarrada aad gasho

Haddii aad ka mid tahay dadka safarkoodu badan yahay ku dadaal inaad faafiso qoraallo heersare ah oo wax laga faa’iidi karo oo ku saabsan safarradadii dibadda iyo goobihii muhiimka ahaa ee aad booqatay,adigoo caado ahaan aan ka tagayn sawirka meelaha aad booqatay.

Haddii aadan dibadda safar u aadi karin, gudaha ku safar, magaalooyin iyo gobollo ay kuu suuraggaleyso inaad booqato. Ma haysatid lacag aad ku safarto; soo dhig sawirro goobo taariikhi ah oo aad ku riyooneyso inaad gaarto, soona qor riyadaada ku aaddan goobahaa taariikhiga ah.

Tallaabadaada Shanaad|Xaaladda bulsho ee aad ku sugan tahay waxay kaalin ka qaadataa soo jiidashada dadka kale

Haddii aad tahay doob soo qor waxaan ahay doob, doobnimadana aad ku haysato farxadda la mid ah tan dadka lamaanaha oo kale, haddii aad xaasle tahay soo qor sida aad isku fahamsan tihiin lamaanahaaga iyo jacaylka idin dhex yaalla sida uu u baaxad weyn yahay, haddii aad tahay haweenay garoob ah soo qor sida aad u awood badan tahay xabsiga guurkana aad uga adkaatay oo aanad weli u helin qofkii aad u baahneyd ee aad ku xasili lahayd, markasta waxaa muhiim ah in warbixinadaada ay la socdaan sawirkaaga oo si heersare ah looga soo shaqeeyay.

Goobjoog News