$50 Million Ayey Ku Xiran Tahay Dhismaha Ciidamada Cirka Soomaaliya

Warbixin sanadkii hore uu Bangiga Adduunka ka soo saaray dhaqaalaha ku bixi kara amniga Soomaaliya waxaa lagu sheegay in Muqdisho u baahan tahay ilaa 10 Milyan oo Dollar si ay u dhisato Ciidamada Cirka 10-ka sano ee soo socota. Hadda 170 qof ayaa u qoran Ciidamada Cirka, mana heystaan wax qalab ah.
Bangiga Adduunku waxaa uu ku taliyay in canshuurta kor loo qaado si qarashkaasi u soo xaroodo, awoodda ciidamadana, gaar ahaan kuwa cirka, loo dhiso. Bangigu waxaa uu qarashka ku baxaya amniga gudaha ku qiyaasay sanadkii $150-220 million.
Mar uu ka hadlayey horumarinta Ciidamada Cirka, waxaa uu sheegay Bangigu in loo baahan yahay qarash dhan $50 million muddo 10 sano ah.
Taariikh ahaan, Soomaaliya waxaa ay laheyd Ciidamo Cir iyo diyaarado military oo ay ku jiraan diyaaradaha guuxa ka dheereeya iyo helicopters.
Ciidanka Cirka: Tirada guud ee Ciidanka Cirka waxaa ay ahaayeen 1,000 askari, tirada duuliyeyaasha 40, nooca(MIG 19, 29 xabbo iyo 15 duuliye), nooca MIG-21(11 xabbo iyo 9 duuliye), nooca MIG 17/15(13 xabbo iyo 6 duuliye) iyo diyaaradaha wax-daabula noocyada G-222, AN-24 iyo AN-26 min labo xabbo, qeybtan dambe 10 duuliye ayay lahaayeen.
Goobjoog News
Zekoqq qhzdpl Cialis pharmacy online cialis india
Xfoitf glpqbv Real viagra online canadian pharmacy cialis 20mg
Qdemyj dhghhf Order viagra usa how to get cialis