U bood dhigaalka

50 Milyan Yuuro Oo Wax Looga Qabanayo Macluusha, Biyala’aanta & Waxbarashada Gobollada Banaadir Iyo Gedo

Sheeko:Dalka

Hay’adaha UNICEF iyo WFP oo kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gobollada Banaadir iyo Gedo waxay ka fulinayaan mashruuc loogu talagalay in wax looga qabto nafaqo-darrida.

Lacagta ku baxaysa mashruucan ayaa dhan 50 Milyan oo Yuuro, waxaana bixineysa dowladda Jarmalka, iyadoo loogu talagalay in dadka Labadaasi gobol ku nool ay helaan adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyo nadiif ah.

Kulanka lagu daahfurayey barnaamijkaan waxaa ka qaybgalay wasiirro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha WFP, UNICEF iyo dowladda Jarmalka.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka ee xukuumadda Soomaaaliya, Cilmi Cumar Caynsane ayaa sheegay in muhiimad weyn uu u leeyahay barnaamijkani Labada gobol, isla markaana la doonayo in sida ugu dhaqsiyaha badan looga fuliyo.

“Maanta waxaa halkaan lagu soo bandhigay qorshe loogu talagalay u-adkaysiga [iyo] sare-u-qaadidda [awoodda] dadka, nafaqeynta asaasiga ah ee dadka tabarta daran, sidii loogu heli lahaa nafaqo iyo cuno, waxaana laga fulin doonaa Gedo iyo gobolka Banaadir, barnaamijkaan waxaa fulin doona WFP iyo UNICEF, waxaana deeqdan bixisay Jarmalka, wuxuuna ku kacayaa 50 Milyan oo Yuuro, iyadoo uu socon doono muddo Saddex sano ah” ayuu yiri wasiir Caynsane.

Hay’adaha UNICEF iyo WFP ayaa dhankooda sheegay inay ka baqdin qabaan in meelaha qaar ee gobollada dalka ay macluul ka dillaacdo 12-ka bil ee soo socota, mashruucuna uu ahmiyad gaar ah leeyahay.

Goobjoog News