500 Carruur Barakacayaal Ah Oo Wax Ku Barata Dhismo Qadiimi Ah, Magaalada Muqdisho

500 oo arday oo 200 oo ka mid ha ay yihiin gabdho ayaa wax ku barta dhismo muuqaal ahaan burbursan,una muuqda dhismo qadiimi ah oo ka mid ah dhismeyaashii hore ee dowladdii dhexe ee dalka, waxaana ay ku dhex taallaa xerada sayidka oo ah xero  ay ku nool yihiin boqolaal barakacayaal ah oo ka kala yimid qaar ka mid ah gobolada Shabeellaha hoose,midka dhexe iyo Jubbooyinka colaado iyo abaaro ka dhacay aawadood.

Dhammaaan ardeyda wax ka baratay iskuulkan waaa kuwo ku nool xerada mana awoodaan reerahooda  inay bixiyaaan qarashaadka looga baahan yahay waxbarashada umana dhameystirna dhammaan agabka loogu talo galay waxbarashada  sida unifoomka ama labiska loogu talo galay skuulka iyo buuugaagta diyaarsan ee maadooyinka qaar ay ku qoran yihiin oo ay u baahantahay ardaydu balse skuulkani ma aha mid lacag lagaga qaado ardeyda wax ka baratay sida uu ii sheegay maamulka skuulka.

Waxaan gudaha u galay fasallada  uu skuulku ka kooban yahay,anigoo raba in aan wax ka soo ogaado sida uu yahay nidaamka waxbarasho ee skuulkan iyo macallimintu sida ay wax u baraan ardeydan ku dhex nool xerada barakacayaasha oo wax ka barta skuulkan.

Da`ahaaan ardayda dhigata skuulkan ayaa u dhaxeysa 6-14 sano dhammaantoodna waa carruur ka soo jeedda danyar kana soo barakacay deegaannadii ay ku noolaayeen.

Hibo Abdqaadir Guhaad waa 8 jir ka mida ardeyda skuulkan wax ka barata 5 carruur ah oo ay 4 ka mida gabdho yihiin ayey hooyadeed iyo aabaheedba dhaleen xeradan ayaanay ku nool yihin dhammaantood.

Abdi qaadir Guhaad oo ah aabaha Hibo Abdqaadir ayaa ah qofka kaliya ee u dhaqdhaqaaqa reerkooda waxaana uu u shaqo tagaa mid ka mida maqaayadaha ku yaalla magaalada  Muqdisho.

Hibo Abdqaadir Guhaad ayaa ii sheegtay mar aan ku booqday fasalka ay dhigato waxyaabaha ay jeceshahay mustqabalka in ay noqoto iyo sababta ka danbeysa jacaylka ay u qabto afka Soomaaliga.

“shan maado ayaan ku qaataa fasalkan aan hadda dhigto oo ah kan labaad ee dugsiga hoose afka Somaaliga ayaan ugu jeclahay dhammaantood maxaa yeelay aniga ayaa ah Soomaali, waxaan rabaa haddii aan waxbarashada heer wanaagsan ka gaaaro inaan noqdo dhaqtarad caawisa dadka masaakiinta ah”

waxa uu ahaa caseeye ama baalashle waabarigii u kallaha goobaha lag cabo shaaha oo ah meelaha ay raggu inta badan isugu yimadaaan, xilliyada subaxa hore iyo galabkii ah,oo ah halka ay sida tooska ah u beegsadaaan baaalashlayaashu, ka hor inta uusan kusoo biirin skuulkan, skuul iyo dugsi qur`aanba kama mid ahayn meelaha uu noloshiisa tagay,balse niyad ahaan waa uu jeclaa inuu noqdo qof waxbarta,waqtiga iyo nolosha adag ee uu qoyskiisu ku nool yahay ayaaase diiday in ay middaasi noqoto mid u suurta gasha Xusen Cali  oo ah 13jir dhigta skuulka.

Mid iftiimisa rajadiisa mustaqbalka ayey noqotay fursadan u suura galisay in uu ka mid noqdo ardayda skuulkan, waa fasalka 2aad ee dugsiga hoose marka aad fiiirisana waa arday ay aad uga muuqato fir-fircooni iyo rabitaan uu u qabo waxbarashada oo kasoo daahday balse si weyn ugu qanacsan helidda uu helay waxbarashada waqtigan.

Hooyadiis ayaa u jarmaada meelaha ay ka socdaan dhismooyinka si ay uga iibiso shaqaalaha ka shaqeynaya dhismaha shaah iyo raashin ay goobta ku diyaariso iyada,halka uu aabaha Xuseen uu isna u shaqo tago dakedda magaalada Muqdisho halkaas uu ka yahay xamaali dhabarka ku qaaada bagaashka iyo qaarkood alaabaha kasoo dega dakeddaasi.

Waxaa uu ii sheegay Xuseen Cali oo iiga sheekeeyay xaaladda nolosha reerkiisa iyo rajadiisa mustaqbalka.

“Macallin dadka waxbara ayaan rabaa in aan noqdo mustaqbalka haddii aan waxbarashada ka gaaro halka aan rabo oo ah ilaa iyo heer jaamacadeed”

Maxamuud Xasan oo ah madaxa iskuullada Wadaniga Argatida Cusub ayaa ii sheegay sidaasi mar aan waydinayay arrimaha iskuulka.

“Dhallinyaro waxbaratay oo isu tagtay ayaa abuurtay aragtida ah in aan caawinno dadkeena gaar ahaan kuwa danta yar ee u baahan gacan qabadka saameynta ku yeelan doono mustaqbalka noloshooda meelo kala duwan ayey dhallinyaradan isaga kala yimaadeen laakiin aragtidan ayaa mideysay dhammaantood waxaana la baxnay magaca Wadaniga Aragtida Cusub, todobadii bishii December sanadkii 2015 ayaana la aas-aasay iskuulkan,farac kale ayuu ku leeyahay degmada wadajir oo sidaan oo kale u shaqeysa iyana”

mar kale ayuu ii sheegay madaxa iskuullada Wadaniga Aragtida Cusub macallin Max`ud waxyaabaha kale oo ay qabtaaan iyo sida ay ugu suurta gashay hirgelinta aragtidaan.

“Waxbarashada kaliya kama shaqeyno anaga waxaa jirta qeyb anaga naga mida oo ka shaqeysa arrimaha caafimaadka iyo cayaaraha,runtii markii hore aaad ayey arrintaan noogu adkeyd fulinta aragtideena oo ahayd markii hore mid nagu cusub,waqtina wey qaadatay in aan ka dhaadhicino waalidiinta ku nool xeradaan in ay nagu garab istaagaan in carruurtooda aan wax barno anagoon wax lacag ah lagaga baahneyn iyaga balse guddi aan u xilsaarnay arrintaas ayaa ku guuleystay in 450 carruur ah oo ka mida carruurta xeradaan ku jirta ay maanta noqdaan arday wax ka baratay iskuulkeena waana mid runtii aad noo dhiirigalineysa anaga” waxaa aad u soo dhaweeyay talaabada  ay dhallinyartani qaadeen waalidiinta ay carruurtoodu wax ka bartay iskuulkan iyaga ooo mahadcelin ballaaran u jeediyay dhallinyarada wadaniga aragtida cusub.

Nuurto Shiikh Keerow oo  ka mida hooyooyinka ay carruurtoodu wax ka bartaan iskuulka Wadaniga Aragtida Cusub oo aan kula kulmay halka ay ka deggen tahay xerada sayidka oo ay ku nool yihiin qoysas barakacaayaal ah oo aanba iskuulka ka fogeyn ayaa sidaasi ii sheegtay mar aan wax ka weydinayay sida ay u aragto skuulkan ay abureen dhallinyaradan oo wax lagu barayo carruurteeda iyada oo aaney jirin wax lacag ah oo laga qaado.

“6 sano ayaan ku nool nahay xeradaan aniga iyo reerkeyga  magaalada Baydhabo ayaan ka soo cararnay dagaallo iyo abaaro ka dhacay dartood kuma heysan halkaan carruurteyda waxbarasho ka hor iskuulkan aad ayaan ugu mahadcelinayaa dhammaan macallimiinta isxilqaantay waan u duceeyay aniga allaha garab galo waa dhallinyaro wanaagsan mana gudi kareyno abaalkooda,hadda ilmaheyga waxa ay dhigtaan fasallada dugsiga hoose iyo kuwa dhexe waxk asta ayey qori karaan awalna xataa magacooda ma aqoon sida loo qoro marka alxamdullillaah Alle ayaa mahad leh”

inkastoo ay aad u yar tahay fursadaha waxbarasho ee ay helaan carruurta Ku nool Xeryaha Barakacayaasha hadana meelaha qaar waxaa ka jira goobo waxbarasho kooban lagu siiyo oo ay ka faa’iideystaan carruurta madaama aysan walidiinta awood u lahayn inay geeyaan carruurta iskuulaadka lacagta wax looga barto.

W/D: Fatxi Max`ed Axmed

Goobjoog News

waxbarasho6 waxbarasho5 waxbarasho4 waxbarasho3 waxbarasho2 waxbarasho1

Related Articles

Leave a Reply to buy cialis online safely Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW