U bood dhigaalka

500 Qoys Oo Ka Barakacay Daad Ku Rogamaday Deegaanno ka Tirsan Gedo

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 500 oo Qoys ayaa ku barakacday Roobab daadad watey oo ka da’ay Deegaanka Faanweyn ee Degmada Garbahaarey gobalka Gedo.

Roobabkani oo ka da’ayey deegaanka Faanweyn oo Garbahaarey u jirta ilaa 55-km habeenimadii Isniinta ayaa sababay in dadkii deganaa Tuuladaasi dhamaantood ay ku barakacaan kuwaa oo tiro ahaan lagu qiyaasay iaa 500 qoys, ka dib markii Tuulada ay ku soo rogmadeen Biyo daadad ah Togweyn oo mara Tuuladaasi, kaasi oo geystey Barakac, bur bur hantiyeed iyo Caafimaad darro.

Dadkii deganaa Tuuladaasi ee ka barakacay guryahooda ayaa iminka waxay ku sugan yahiin Meel taag ah ,waxayna wararku sheegayaan in daadadku ay la tageen dhamaan waxii Cunto iyo agab ee yaalay Tuulada Fanweyn, waxaana sidoo kale xiran wadooyinkii soo galayey Tuuladaasi.

Aden Dhaqane Xaaji oo ka mid ah Odoyaasha Tuulada Faanweyn, ayaa Goobjoog News u sheegay in dadka deegaanka ay soo gaareen dhibaatooyin ay ka mid yihiin Barakac, bur bur hantiyeed iyo dhibaatooyin caafimaad darro ah, isagoona sheegay Tuulada iyo nawaaxigeeda in uu ka dilaacay Cuduro ay ka mid yahiin Shubanka iyo Malaariyada oo caruur badan iyo dad waaweynba soo ritey.

Dhinaca kale Sahro Axmed waxay ka mid tahay Qoysaskii ka barakacay Faanweyn waa hooyo haysata 7 carruur ah, 3 ka mid ah Caruurteeda ayaa waxay la liitaan Cudurka Shubanka iyo Malaariyada, waxayna sheegtay deegaanka in aysan ka jirin xarumo caafimaad oo lagu daryeelo dadka ay soo ritaan xanuunada.

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen Roobabka ka da’ay Tuulada in ay ahaayeen kuwii ugu khasaaraha badnaa ee soo mara Tuulada muddo ka badan ilaa 18 sanno.

Goobjoog News