U bood dhigaalka

Puntland Ayaa Ku Guuleystay Koobka Ciyaaraha Maamul Goboleedyada Dalka

Sheeko:Dalka, War

Maamul goboleedka Puntland ayaa ku guuleysatay Koobka maamul goboleedyada dalka ka jira, taasi oo ka dhigeysa maamul goboledkii ugu horeysay ee ku guuleysta koobka maamul goboleedka dalka.

Ciyaarta ayaa waxaa ay 90-kii daqiiqo ugu horeysay waxaa ay ku dhamaatay 1-1 oo ay ku kala baxeen ciyaartoyda Jubbaland iyo Puntland.

Ciyaarta waxaa lagu daray 30 daqiiqo, 15-kii daqiiqo ugu horeesay waxaa ay ciyaarta ku dhamaatay barbar dhac halka 15-kii kale aaney waxba iska badalin oo 120 daqiiqo waxaa ay ku dhamaatay 1-1.

Ugu dambeyntii ciyaarta waxaa la isla aaday gool-Laad ama Rigore, 5-4 waxaa u badisay maamul goboleedka Puntland oo ku fiicnaa dhanka gool-laadka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashid, wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Odowaa, wasiirka dhalinyarada Maxamed Cabdulahi Nuux, safiirka Turkiga iyo madax kale ayaa ka qeyb gashay ciyaarta final ah oo dhex martay Jubbaland iyo Puntland.

Goobjoog News