U bood dhigaalka

Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Go’aanno Ka soo Saartay Dacwaddii Khilaafka UCID, Falcalinta Garabyadii Isku Hayay Xisbiga

Sheeko:Dalka

Maxkamadda sare ee maalmulka Somaliland ayaa  xukun ka soo saartay maanta dacwaddii khilaafka xisbiga Ucid oo in muddo ah u kala qeybsanaa labo garab oo isku haya maamulka xisbiga.

Go’aanka maxkamadda sare ayaa waxaa goobjoog u ahaa dhamaan dhinacyadii is hayay ee xisbiga, waxaanuu u dhignaa sidan.

Maxkamadda sare ee Somaliland markay eegtay dacwaddii u dhexeysay labada garab ee xisbiga Ucid, waxay go’aan ku gaartay qodobadan hoos ku qoran:

1- In shirwayanaha xisbiga Ucid lagu qabto muddo lixdan cisho ah.

2- In guddiga qaban qaabada oo ka kooban toban xubnood  loo qeybsado si isle’eg(Shan iyo Shan).

3- In Ergada laxulayo loo raaco xeerka xisbiga.

4- Heshiiska ay wada galeen Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xluseen waxa uu ansax noqonayaa marka la qabto shirwaynaha xisbiga.

5- Go’aanka ugu dambeeya waxaa iska yeelanaya hogaanka xisbiga.

Go’aankan ayaa waxaa ku saxiixnaa guddoomiyaha maxkamadda ee Aadan Xaaji Cali

Falcelinta Go’aankii maxkamadda ee garabyada is haya ee Xisbiga

Jamaal Cali Xuseen oo ah murashaxa madaxaweyne ee Xisbiga oo saxaafadda la hadlay go’aanka ka dib ayaa tilmaamay inuu ku qaracsan yahay go’aanka maxkamadda;

“Xisbiga Ucid heshiis buu galay July 2012-kii, heshiiskaas oo ah badbaadada xisbiga, markii la soo saaray ayay qolooyin kale yiraahdeen waxba ka ma jiraan oo damac baa nasoo kala dhex galay, waana kaa illaa maxkamad la isla yimid, waa nasiib darro in maxkamad la isla yimaaddo may ahayn in qof walbaaba uu meeshiisa iimaansado ayay ahayd, laakiin way waanaagsan tahay in sharciga la eego, go’aanka maxkamaddu waa heshiiskii ayaa la hirgelinayaa, guddi qabanqaabo oo labo dhinac ah”.

Dhanka kale, Faysal Cali Waraabe oo isna dhankiisa saxaafadda la hadlay ayaa  guul u soo hoyatay ku tilmaamay go’aankii maxkamadda, waxaanuu yiri;

“Waxaan hambalyeynayaa qareenadii xisbiga Ucid u doodayay, aadbaan u hambalyeynayaa, maanta go’aankan soo baxay guul Faysal Cali Waraabe maaha waa guul Somaliland ah weeye, waa guul xisbiga Ucid weeye, Labo Jeer baa xisbiga lagu soo duulay oo la damcay in saaxada laga saaro, markan waa markii Labaad, mar kasta waxaan ku baxsanaa niyad wanaagga, go’aankani waxa uu xoojinaya wixii mar kasta aan angu lahay, marnaba ma’aanu diidaneyn Jamaal iyo 7-dii qof ee ka yimid Udub inaan heshiis la galnay, marnaba ma aanu diidaneyn in Jamaal nala shaqeeyay markuu xisbigu soo baxayay, laakiin waxaanuu mar kasta lahayn war heshiiska ha la raacoo, waxa uu dhameystirmayaa marka la geeyo shir weyne aan caadi ahayn oo xeerkiisa la raacayo, marka aan Jamaal ka dhignay musharaxa bishii July ee aanu geynay diiwaangelinta Axsaabta iyo ururrada , ayaa nalaga diiday oo la yiri xisbigii ka gudba doorashooyinka deegaanka ee xisbi qaran noqda ayaa yeelanaya musharax, sidaas ayayna murashaxnimadu ansax ku ahayn”, waana sida uu hadalka u dhigay.

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa 18 bishan bilowday dhageysiga dacwad khilaafka oo xisbiga UCID ka dhex taagneyd , taas oo  u dhexeeysay labada garab ee ay kala hoggaamiyaan musharaxa madaxweyne ee xisbiga Jamaal Cali Xuseen iyo Guddomiyaha xisbiga  Faysal Cali Waraabe.

Goobjoog News