U bood dhigaalka

6 Kursi Oo Garowe Lagu Doortay, Akhriso Yaaku Soo Baxay

Sheeko:Amniga

Magaalada Garowe ee caasimadda maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa manta lagu doortay afar kursi oo kamid ah golaha shacabka Baarlamaaka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, kuwaas deegaan doorashadoodu tahay deegannada maamulka Puntland.

1 : Kursiga tirsigiisu yahay HOP#192 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamed Faarax Nuur oo ku guuleystay 98 cod, Halka  Ruweyda  Ruweyda Maxamuud Maxamed ay heshay 1cod, halka 2 codna ay halaabeen.

2 : Kursiga tirsigiisu yahay HOP#94 ayaa waxaa kusoo baxday xildhibaan marwo Sahra Cabdullaahi Cigaal oo heshay 87 cod, halka  musharrax marwo Fardowsa Maxamed Aadan ay heshay 3 cod.

3 :Kursiga tirsigiisu yahay HOP#121 ayaa waxaa kusoo baxday xildhibaan marwo Farxiyo Yuusuf Cumar oo heshay 101 cod, halka  musharrax Naciimo Cumar Cabdi ay ka tanaasushay musharaxnimadeedii.

4 : Kursiga tirsigiisu yahay HOP#014 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Daa,uud Cabdi Xakiin Sheekh Cumar oo helay  90 cod, halka  musharrax xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Xuseen uu helay helay 3 cod.

5Kursiga tirsigiisu yahay HOP#75 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cabdiqani Maxamuud Maxamed oo helay 98 cod, halka musharrax xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan Cilmi uu ka tanaasulay tartanka .

6 : Kursiga tirsigiisu yahay HOP#174 ayaa waxaa kusoo baxday xildhibaan Khadra Axmed Maxamed oo heshay 101 cod, halka ay tartanka isaga hartay Leyla Cabdi Faarax .

Kuraasta maanta lagu doortay magaalada Garowe ayaa waxaa ay kamid noqnayaan Baarlamaanka 11-aad, kaas oo doorashadiisa ay si weyn uga socoto dalka, waxaana lagu wadaa in lasoo idleeyo doorashadooda 25 bishaan aan ku jirno sanadka 2022.

Goobjoog News