Waxaa maanta oo Talaada ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada 6 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu ay tahay Somaliland.
Kuraasta maanta la dooranayo ayaa kala ah kuraasta tirsigoodu yahay  HOP#270, HOP#271, HOP#269, HOP#268, HOP#267, & HOP#236.
Waxaa horay gobalada waqooyi ugu matalayay kuraastaan xildhibaanada kala ah:-
HOP#270: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Sakariye Xuseen Caarre
HOP#271: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Cabdiraxmaan Maxmuud Caateeye
HOP#269: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Maxamed Cabdullaahi Kaamil
HOP#268: oo uu ku fadhiyay Maxamed Cali Xagaa
HOP#267: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan aynab Maxamed Caamir
HOP#236: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Cadnaan Cismaan Cilmi (Boqor)
Goobjoog News