6 Qodob Oo Galkacyo Uga Dhalan Karto Nabad Waarta

Gobolka Mudug, waaa gobolka ugu colaadda badan dalka Soomaaliya xilligan la joogo, dadka Galkacyo iyo deegaannada ku dhow ku nool, dhegta ayey kor u hayaan xilli walba, Daacish, qaraxyada iyo burcad badeedda waxaa uga daran dagaallada sokeeye, dagaalka waxaa uu dhici karaa goor walba iyo goob walba, waxaa uu dagaal-ka u dhici karaa sabab iyo sabab la’aan, arrintan waxaa u caal-waayey siyaasiyiinta deegaanka, beelo nabadda jecel oo deegaanno kale ka yimid iyo xitaa beesha caalamka!!

Galkacyo waa magaalada ay dhibaatada ka bilaabato, kuna dhammaato, dagaallo sokeeye iyo dilal badan oo halkaas ka dhacay kadib, beelaha waxaa horay iskula garteen in si loo wada noolaado ay qasab tahay is aqbalaad, in xoogga meel la iska dhigo iyo in nabadda laga shaqeeyo, iyaggoo wada saxiixay heshiiskii caanka ahaa ee Galkacyo kaas oo ay qalinka ku duugeen Col. Cabdulahi Yusuf iyo Gen. Maxamed Faarax Caydiid.

Heshiiskii Galkacyo: 

Heshiiskan waxaa la saxiixay June 4, 1993-dii, waxaa uu ka dhashay shirar dhinacyada isugu yimaadeen Junuary 15 iyo March 27, 1993 Magaalada Adis Ababa ee xarunta Itoobiya.

Qodobada Heshiiska waxaa ka mid ahaa: 

1-In la mamnuuco xogga iyo dagaalka:

2-In si nabad-galyo iyo wada hadal, wax lagu xaliyo.

3-In qofka kasta oo Soomaali ah uu degi karo, kuna noolaan karo dhulkaas balse dhaqan ahaan beelaha ay mid weliba deegaankeeda leedahay.

4-In ciidamada hubka sida ay magaalada ka fogaan 70 KM oo la kala geeyo Wargalo, Buuryaqab iyo Galdogob.

5-In Magaalada Galkacyo noqoto mid ka caagan hubka.

6-Waxaa la saaray guddiyo, Guddiyada waxaa ayaa ka kala tirsanaa: Aqoon yahannada, Culimada, Saraakiisha Ciidamada, duqeyda, Haweenka iyo Dhalinyarada. 

Heshiikaas waxaa la sheegay xiligaas in uu horseedi doono Nabad, Dib u heshiisiin, Dib u dhis, Cadaalad, Dimoqoraadiyad, Midnimo iyo Hor-u-mar…..laakin 23 sano kadib, arrimahaas waxba kama hirgelin, oo sheekada waxaa ay noqotay mid ka sii darta!!

Hadda waxaa jirta xiisan colaadeed taas oo bilaabatay September 28,  kadib markii Mareykanka ay dileen ciidamo Galmudug ah, maalintaas wixii ka dambeeyay waxaa dhacayey dagaallo, dad badan ayaa dhintay, dhinacyada midba midka kale ayuu dagaalka ku eedeynayaa.

Marka aad dhageysato hadallada labada dhinac, colaadda labada dhinac waxaa ay ka gudubtay mid labo beelood oo uu deegaan uu ka dhaxeeyo ah, Tusaale ahaan, Madaxweynaha Puntland waxaa uu leeyahay Xamar ayaa duulaan nagu soo qaadday, arrintaas ma fududa waxaa ay keeni kartaa in ay sii faafto ama xitaa ay khatar gasho  qarannimada iyo wada jirka Soomaaliya.

Si arrimaas looga hortago, waxaa ila gudboon qodobadan soo socda:

Galkacyo Federaalka Ha Laga Saaro:

July 30, 2014 markii Muqdisho lagu saxiixday heshiiskii maamul u sameynta gobolada dhex ay saxiixeen maamulka Galmudug, Ahlu Sunnah, Ximan iyo Xeeb iyo waliba dowladda federaalka, Goobjoona ka aheyd ergada beesha caalamka…wixii heshiiskaan ka dambeeyay Puntland niyad wanaag kulama joogin dowladda federaalka, waqti uma haayo sheegitaan Sooyaalka shirarka ay dowladda iyo Puntland arrintaas ka galeen, waxaa ay arrintaas sii xumaatay markii Galmudug dastuurkeeda la sameeyay oo Mudug la kala qeybiyay,….si arrinkaas loo xalliyo waxaa haboon in Galkacyo aan lagu darin labada maamul. 

Dib U Heshiisiin Waarta:

Beelaha Mudug waxaa ay u baahan yihiin dib u heshiisiin waarta, oo ka bilaabata in dadka deegaanka ay wada hadlaan, mag la kala qaato, hantida la isu celiyo, iyaddoo meel la iska dhigayo qabka iyo qabyaaladda, isla markaana in niyadda lagu haayo mabda’a ah wada noolaasho iyo is aqbalaad labada dhinac ah.

Milkiyad Wadaag:

Arrintan waxaa ay ka ag dhawdahay is dhexgal bulsho, Is dhexgalka labada beelood ma aha in Khadka cagaaran la baab’iyo oo keliya ee waxaa haboon in beelaha is dhex degaan, oo ganacsatada gobolka ay guryo ka iibsadaan labada dhinac ee magaalada Galkacyo taasi oo noqoneysa milkiyad wadaag, arrintan waxaa ay aad u yareyn doontaa colaadda iyo in si fudud loo kala baxo, waayo dadkan waxaa ka dhaxeyn doonta Maslaxad iyo  Dan guud.

Meel Hubka Ka Caagan:

Sida Heshiiskii hore ee Galkacyo ku xusnaa waxaa muhiim ah in hubka laga mamnuuco magaalada Galkacyo, si dadka ay ugu noolaadaan si xuriyad ah, beelo hubeysan nabad ma dhexmari karto, waa in ay meesha ka baxdaa xoog sheegadka iyo in hubka iyo tirada tiknikada lagu faano!

Maamul Mideysan:

Si qodobadaas aan soo sheegney u hirgalaan, waxaa lagama maarmaan ah in Galkacyo loo sameeyo maamul u gaar ah, oo labada dhinac ay qeyb ka yihiin, kana madax banana Puntland iyo Galmudug, arrinkan waa mid ku adag labada maamul goboleed, laakin waxaa uu xal u yahay bulshada Galkacyo, oo waxaa ay heli doonaan nabad iyo hor-u-mar waara.

Magaalo Ganacsi:

Si Galkacyo ay colaadda u ilowdo, waa in ay noqotaa magaalo xudun u ah gobollada Puntland iyo koofurta Soomaaliya, magaalo ay degi karaan, kuna ganacsan karaan dhammaan beelaha Soomaaliyeed, haddii arrintaas ay dhacdo, Gaalkacyo waxaa ay noqon doontaa magaalo Ganacsi oo hor-u-markeeda lagu sheekeysto sida hadda colaadeeda loogu sheekeysto!!

Ugu dambeyntii, Nabad-galyada Galkacyo iyo wada noolaashahooda waa mid qaranka Soomaaliyeed dan ugu jirto, waxaa ay dib u soo celin kartaa kalsooni dhexmarta beelaha kale ee labada dhinac la dhashay, waxaa ay noqon kartaa shucaac iyo iftiin u baxa umadda Soomaaliyeed si loo helo midnimadii iyo wada jirkii umadda Soomaaliyeed.

W/Q: Yussuf Osman Ali

Email: yusuf.osman@goobjoog.com

Related Articles

5 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW