U bood dhigaalka

6 Qof Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootay Degmada Buuloburte, Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka kaasi oo gallaaftay nolosha Lix qof , iyadoo tiro kale ay la il daran yihiin cudurkaasi.

Cismaan Geedi Cilmi oo ah duqa degmada Buuloburte ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News geerida dadkaan waxaana dhanka kale uu sheegay in ay ka baqayaan iney kasii darto xaaladda dadka hadda uu cudurkan hayo.

Arrintan ayuu u sababeeyay biyo la’aan baahsan oo maalmahan dambe ka jirta degmadaasi iyo dadka oo cabayey biyo aan nadiif ahayn.

Cismaan ayaa sidoo kale sheegay in dawo la’aan baahsan ay ka jirto degmadaasi, waxaana uu ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale hay’adaha samafalka ah in gurmad caafimaad la gaaraan dadka xanuunsanaya.

Cudurka shuban biyoodka ayaa sidan oo kale uga jira degmooyin kale oo gobolka Hiiraan ah kana mid tahay magaalada Baladweyne, welina ma muuqato dadaal xooggan oo looga hortagayo in cudurkaan uu sii faafo.

Goobjoog News