U bood dhigaalka

6 Qof Oo Ku Geeriyootay Dagaal Ka Dhacay Degmada Ceelwaaq, Gedo

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ku  dhexmaray degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab waxay weerar ku qaadeen degmadaasi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado socday.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey 6 qof oo isugu jira dhinacyadii dagaallamay, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Kahor Al-shabaab inta aaney degmadaasi weerarka kusoo qaadin waxaa naloo xaqiijiyey in ay damiyeen isgaarsiintii degmadaasi, kadibna ay dagaalka soo qaadeen.

Saacado ayaa la sheegay in ciidamada Al-shabaab ay la wareegeen guud ahaan degmada Ceelwaaq, balse ciidanka dowladda oo soo rogaal celiyey ayaa u suurta gashay iney dib u qabsadaan degmadaasi.

Xaaladda degmada Ceelwaaq saakay waa mid deggan, inkastoo cabsi ay soo wajahday shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Saraakiisha ciidanka dowladda federaalka ee ku sugan degmadaasi weli wax faah faahin rasmi ah kama aanay bixin dagaalladaasi.

Goobjoog News