60 Haween Ah Oo Laga Masaafurinayo Magaalada Kismaayo

Saraakiisha Nabad sugidda maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, ka musaafurinayaan 60 Haween ah oo ay sheegeen in ay yihiin xaasaska rag ka mid ah Xarakada Al-shabaab.

Axmed Carab oo ka mid ah saraakiishaan ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamadooda ay maalmihii ugu dambeeyay ku howlanaayeen sidii ay kusoo qaban lahaayeen Haweenkaan, islamarkaana magaalada laga musaafurin doono.

“60 Haween ah oo xaasaska Al-shabaab ayaa gacanta ku dhignay, magaalada ayeey deganaayeen, waana la musaafurinayaa, waxaana loo dirayaa meelaha Shabaabka ay joogaan” ayuu yir Axmed Carab.

Dhinaca kale sarkaalkaan ayaa sheegay in ciidamada amniga Jubbaland ay ka go’an tahay sidii ay ula dagaallami lahaayeen Xarakada Al-shabaab, islamarkaana Kismaayo ay ka wadaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Magaalada Kismaayo waxaa mararka qaar ka dhaca falal amniga kasoo horjeeda, lamana oga in Haweenkaan la qabtay ay yihiin Xaasaska rag ka mid ah Xarakada Al-shabaab iyo in kale.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW