U bood dhigaalka

“60,000 oo euro ayaa la ii soo bandhigay si aan ula seexdo muuqaalna ka duubo xiddiga…” – Gabar Model ah

Sheeko:Cayaaraha

Gabadha Model-ka ah ee lagu magacaabo Natalija Scekic ayaa sheegtay in shaqi doonaya in sumcadda laga dilo xiddiga ugu wanaagsan ciyaarta Tennis-ka ee Novak Djokovic uusoo bandhigay lacag aad u faro badan.

Sida lagu soo warramayo, qorsha ayaa ahaa in la dhaawaco sumacadda Djokovic sidoo kalena la burburiyo qoyskiisa.

Scekic ayaa warsidaha Svet&Scandal u sheegtay in qof rag ah uu usoo bandhigay 60,000 oo euro si ay ula seexato iyadoo muuqaalna ka sameyneysa laacibka lambarka koowaad kaga jira Tennis-ka.

Serbian model refused to set up Djokovic: They offered me 60,000 euros to seduce and film him | Marca

Sidoo kale, warsidaha ayaa intaas ku daran in dabinkaas lagu maleegayay dalka Ingiriiska, halkaas oo gabadha Model-ka ah ee reer Serbia kula kulantay dhagar-qabaha lacagta usoo bandhigay.

“Waa dhab inuu nin ila soo xiriiray, waxaan ogaa inuu joogo magaaladan, waxaanna u heystay inuu arrimo muhiim ah ii haayo” ayay tiri Natalija Scekic.

“Waxaan ahaa qof laga yaqaano shaqadooda, waxayna ahaayeen dad wanaagsan, markii uu balanka ii dhigayna waxaan u qaatay inuu arrimo ganacsi igala hadli rabo, si kastaba, markii sheekada sii socotay, waxaan dareemay inaysan nolosheyda quseyn” ayay hadalkeeda kusii dartay.

Gabadha Model-ka ah ayaa wareysigeeda ku sheegtay inaysan aaminin yabooha loo soo bandhigay oo ay filaneysay inay kaftan sheekadu tahay.

“Waxaan ku fikiray inay jirto kaamiro qarsoon markii uu ii sheegaayay inaan soo jiito Novak sidoo kalena aan muuqaal kasoo duubo, balse isagu taas mar hore ayuuba ka taxaddaray kamana aanan walwalin” ayay hadalkeeda kusii dartay Natalija.

“Waxa uu ninka ii sheegay inaan helayo 60,000 euro iyo safar meesha aan rabo ah haddii aan sameeyo shaqada uu rabo, waan ku qoslay, waxaana filaayay inuu i dhaho waa kaftan, balse ninku dhab ayay ka ahayd, waxaanna dareemay dhaawac iyo bahdil” ayay tiri gabadha Model-ka ah.

Si kastaba ha ahaatee, Scekic ayaa sheegtay inaysan ka meermeerin diidmada yabooha loo soo bandhigay, waxayna kaga jawaab celisay si deg deg ah sida ay sheegtay.

Gabadhan ayaa sidoo kale carrabka ku dhufatay inay isku dayday inay biyo ku shubto markii ay ogaatay inuu ninkan doonayo inuu iyada u adeegsado sharaf-dilka Djokovic, balse ay is xakameysay maadaama ay joogeen goob ay bulshadu isugu imaato.

Natalija Scekic ayaa wareysigeeda ku aaddan arrintan kusoo gaba gabeysay inaysan rajeyneyn inuu ninkaas helo gabar u fulisa danihiisa iyadoo tiri: “Alaabteyda ayaan qaatay waana kasoo tagay, waxaana rajeynayaa inuusan heli gabar dooneysa inay waxaas sameyso, waayo ma ahan wax uu mudan yahay Novak, waa ambaasadoorkeenna ugu fiican, waa nin tusaale lagu daydo ah, waa nin qoys ah”.

Si kastaba ha ahaatee, gabadha Model-ka ah ayaanan shaacin goorta ay dhacday arrinta lagu doonayay in lagu dilo sumcadda xiddiga reer Serbia ee lagu tilmaamo inuu yahay midka ugu sarreeya ciyaarta Tennis-ka.