U bood dhigaalka

61 Qof Oo Ku Geeriyootay Diyaarad Ku Burburtay Ruushka

Sheeko:Dalka

Diyaarad Rakaab oo sidday ilaa 61 ayaa ku burburtay magaalo ku taalla koofurta Ruushka ee Rostov-on-Don.

Diyaaradda oo ahayd Fly Dubai Boeing 737-800 kana  soo kicitintay Dubia, waxaa saarnaa 55 rakaab ah iyo 6 shaqaale.

Lama oga sababta diyaaradda u burburtay, laakiin mas’uuliyiinta qaar ayaa sheegay in hawada ay xumeyd marka ay diyaaradda ka soo dageysay garoonka Rostov-on-Don.

Duqa Magaalada oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dadka diyaaradda saarnaa intooda badan ay ahaayeen Ruush isagoo intaa raaciyay in uu socda baaritaan burburka diyaaradda la xiriira.