U bood dhigaalka

SAWIRRO: Salaad Roob Doon Ah Oo Garoowe Lagu Oogay

Sheeko:Dalka

Salaad roob doon ah ayaa maanta lagu tukaday magaalada Garoowe ee caasumadda maamulka Puntland.

Isu soo baxa roob doonka waxaa ka qeyb  galay dadweyne fara badan iyo madaxda maamulka Puntland iyo culumo awdiinka degaanka.

Madaxweynaha maamulka  Puntland iyo bulshada degmada Garoowe ayaa waxay duleedka Garoowe ku tukadeen Salaadda roob doonka, iyaadoo Madaxweynuhu uu Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa ka beryay inuu umaddiisa ka dul qaado abaarta iyo colaadda , isla markaana uu caafimaad siiyo inta xanuusan sidoo kalena uu ugu deeqo roob khayr qaba oo aan dadka iyo duunyada wax yeelin.

Madaxweynaha ayaa isu soo baxa roob doonta ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in dhamaan umadda muslimka ah ay ilaahay u noqdaan isla markaana ay ka tanaasulaan wax kasta oo looga fogaan karo wanaagga iyo khayrka, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu duceeyey dhamaan bulshada in ilaahay uu ka dul qaado abaarta iyo colaadaha isla markaana uu roob khayra qaba ugu bedelo dhibaatada haysata.

Dhanka kale, culumada oo ka hadashay halkaasi ayaa iyagana ku dheeraaday Alle bariga waxayna sheegeen in dadka looga baahan yahay in markasta ay Alle weydiistaan naxariistiisa.

Degaanno dhowr ah oo ka tirsan kuwa Bari iyo Waqooyi ee Soomaaliya waxaa ka jirta abaar aad u daran.

HOOS KA DAAWO:

img_0724 img_0715 img_0703 img_0705 img_0704 img_0451 img_0485 img_0486 img_0492 img_0504 img_0509 img_0505 img_0521 img_0539 img_0548 img_0553 img_0554 img_0556 img_0575 img_0582 img_0584 img_0585 img_0591 img_0731 img_0729 img_0726

Goobjoog News