U bood dhigaalka

Danjire Keating Oo Cadaado Gaaray Iyo Kulan Ka Socda Madaxtooyada Galmudug (SAWIRRO)

Sheeko:Dalka

Danjiraha Qaramada Madoobe Keating Iyo Madaxda Galmudug Oo Hadda Kulan Uu Uga Socdo Madaxtooyada Magaalada Cadaado

Danjiraha Qaramada Madoobe u qaabilsan arrimaha Soomaaliya MR. Micheal Keating ayaa gaaray magaalada Cadaado ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Mr. Keating waxaa ku soo dhoweeyay garoonka magaalada Cadaado madaxda maamulka Galmudug sida madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi, guddoonka baarlamaanka iyo sidoo kale golaha wasiirrada xubno kamid ah.

Waxaa hadda madaxtooyada Galmudug ka socda kulan gaar ah oo albaabada ay u xiran yihiin kaasoo madaxda Galmudug iyo wakiilka Qaramada Madoobe ee Soomaaliya ay wada qaadanayaan.

Kulanka socda ayaa looga hadlayaa arrimo ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa danjiraha inuu Cadaado maanta uga qeyb galo doorashada aqalka hoose ee ka socota.

Wixii soo kordha dib kala soco

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA:

danjire-keating-cadaado-5 danjire-keating-cadaado-4 danjire-keating-cadaado-3 danjire-keating-cadaado-2 danjire-keating-cadaado-1 danjire-keating-cadaado-9 danjire-keating-cadaado-8 danjire-keating-cadaado-7 danjire-keating-cadaado-6

Goobjoog News