U bood dhigaalka

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Oo Ku Adkeystay Go’aankii Ay Ku Baa’biyeen 11-ka Kursi

Sheeko:Dalka

Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa warqad cusub ay soo saareen ku diiday Go’aanka Maamul Goboleedyada, Sheegana Xad-gudubyo ay geysteen Guddida Dooratashada Maamul Goboleedyada.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa ku adkestay go’aankii ay ku wiiqeen natiijada 11-ka iyagoo ku eedeeyay guddiyada doorashada maamul goboleedyada dalka in ay geysteen xad-gudubyo  ay ka mid yihiin wiiqitaan doorkii odayaasha dhaqanka iyo in ay kala doorbideen murashaxiinta.

Go’aanka Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa uu imaanaya saacad ka hor fadhi la filayo in maanta Muqdisho ay ku qabtaan madasha qaranka iyo  maalin uun ka dib go’aan mideysan oo guddiga doorashada maamul goboleedyada ku diideen go’aanka guddiga xallinta Khilaafaadka.

Guddiga Xalllinta Khilaafaadka waxaa ay sidoo kale ka hadleen hadalka ay Khamiistii soo saareen guddiyada doorashada Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Jubbaland iyagoo ku sheegay mid boor isku qaris ah oo lagu daboolayo gabood-fallo ay sameeyeen.

Guddiga Khilaafaadka waxaa ay ku eedeeyeen guddiyada doorashada in ay doonayaan in ay marin habaabiyaan mujtamaca Soomaalida iyo beesha caalamka.

Madasha qaranka ayaa waxaa ay u yeereen guddiga xallinta khilaafaadka, lama oga waxa ay ka wada hadlayaan, Laakiin xubno ka tirsan guddiga khilaafaadka oo Goobjoog News la hadlay waxaa ay sheegeen in ay ka cabsi qabaan cadaadis in ay madasha saarto.

Hadaba halkan ka akhriso go’aanka guddiga xallinta khilaafaadka:

Warqadda; 1aad: waraaq2-copy

Warqadda 2aad: waraaq1-copy