Akhriso: Khudbaddii Iyo Ballamihii Murashax Maxamed C. Farmaajo Oo Qoraal Ah, Isla Xisaabtan Ha Bilowdo

Sida ku qoran dastuurka Soomaaliya Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu dalka maamuli doonaa afar(4 sano) oo ka bilaabata maalinta la dhaariyayay.

Marka laga soo tago Hotel-ka uu jiifo, Farjaamo ii geeya iyo shaqo la’aanta hadda socota, shacabka waxaa ay sugayaan waxqabad iyo isla xisaabtan dhab ah.

Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbinaysaa Khudbaddii murashax Maxamed Cabdullahi Farmaajo, qof walba si uu meel u dhigto isla markaana kula xisaabtamo in uu ballamihii ka soo baxay iyo in kale.

Halkan ka Kkhriso Khudabadda Farmaajo oo qoraal ah:

Bismillahi Raxmaani Raxiim.

Guddoonka labada gole mudane Maxamed Cusmaan Jawaari  iyo mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi  iyo ku xigoonnadooda,  guddiga labada gole ee doorashada madaxweynaha  Xildhibaanada sharafta leh,  taliyaashaa ciidamada,  warbaahinta  iyo martida sharafta leh  waxaan idin ku salaamayaa salaanta Isalaamka Asc.

Xubnaha baarlamaanka ee labada gole  waxaan marka koowaad idin kugu hambalyaynayaa  kalsoonidii ay idin soo siiyeen dadkii idin soo doortay Soomaalidii ina soo dooratay waxaan ilaahay idin kaga baryayaa inuu hawshiina idiin fududeeyo ,waxaa sharaf weyn ii ah   maanta ii ah inaad labada gole iyo martida sharafta leh  ee halkaan  is kugu timid  aan hortooda ku cadeeyo inaan isku soo sharraxayo hogaanka sare ee dalka afarta sane ee soo socta iyo halka aan doonayo inaan dalka iyo dadka u horseedo markaad codkiina isiisaan .

Sidoo kale maanta waxaan hortiina ka cadaynayaa qaabka aan kuwa jahayo  dhibaatooyinka baahsan  ee dalka ka jira mudanayaal iyo marwooyin dalka waxuu ku jiraa xaalad adag,   waxaana jira ammni darro baahsan ciidankii qaranka oo daryeel lahayn  nidaamkii dhaqaalaha oo burbursan  cadaalada darro iyo musuqmaasuq baahsan , masiibooyin dabiici ah iyo abaaro  soo noqnoqda, barakac joogta ah. Da’yartii Soomaaliyeed oo dalkooda ka cararaya qaarbadana ay badaha ku dhamaadeen  waxaan intaas ku sii darayaa oo marqaati ka tihiin  in masiirkii dalka iyo dadka ay Qatar weyn ay ku jirto , taas oo ay sabab u tahay  dowladda oo gabtay mas’uuliyadeedii qarannimo, tii umadnimo  iyo tii wadanadnimo.

Dib uhanashada qarannimada iyo sharafta iyo karaamada ummaddeena waa waajib saaran golayaasha dastuuriga ah ma ahan in shacabkeenu naga rajo dhaco ama uu naga rago dhigo, ma ahan in caalamku uu tusaale uu ka dhigto ceebteena Soomaaliyeed,  waa naqaanaaa waa masuqmaasuq ,burcad badeed, xagjir  iyo waxbadanoo oo lamida mana ahan inaan  baahideena dhaqaale  iyo midda ammni  aan ku filnaan weyno .

Mudanayaal iyo marwooyin  si aynu dhibaatada dalka  daba-dheeraatay   aan wax uga qabano  waxaan u baahannay isbadal dhab ah,  is badalka dhabta ah ma ahan qof qof badalaya , ma aha dowlad dowlad badaleyso , waxaa waaye is badal  hab dhaqameed siyaasadeed ah  waana kuwa hoos ku xusan .

  1. Waa inaan badalno habdhaqanka Siyaasadeed  markii doorashada la galayo  ama lagaaro loogu faano  dowladbaa I wadata oo dadka ii jujuubeysa, intaas wayba dhaaftaba  waxay taaganatahay intay dowladdii timaado ay tiraahdo hebal baan rabnaa  hala doorto lacagteedana waan ka daba keeneynaa, dalkaan beec maahan  dadkiisuna beec maahan  waalidiinteenii iyo aabiyaasheen ayaan ka dhaxalnay,  annagana caruurteena ayaa naga dhaxlaya  wax shilimaad gooya maahan .
  2. Waxayna badalaynaa dhaqankii siyaasadeed ahaa in shacabka  aysan dowladda  wada shaqeyn laheyn,  golaha shacabkaa tihiin, codkii shacabkaa tihiin ,wakiiladii shacabkaa tihiin  waxaan ku shaqeynaynaa rabitaanka shacabka  shacabka iyo dowladdu waa isku hal  markay kala tagaan waa markay Alshabaab ay xoogeysanayaan , waa marka ay laynayso xildhibaanada, waa marka ay shacabkeena ay laynayso, waa marka ay noo diidayso horumarka  saas darteed  shacabka iyo dowladda oo is wadatah  cid walba way ka adagtahay , shabaabaan imaan Karin , dowlado shisheeye ayaan imaan Karin  saas darteed waa inaan shacabka u dhawaanaa .
  3. Waxaynu badalaynaa hab-dhaqanka caadada laga dhigatay ee ahaa in baarlamaanka  la xiro  goortu ay doorashada dhowdahay, waan soo aragnay  2012ka , waa tii baarlamaanka la xiray  oo hawshii baarlaamka loo weeciyay saxiixayaal, hadana waa tii sanad ka hor la xiray  oo hawshii baarlamaanka  sharafta lahaa loo weeciyay  madal,  awoodda baarlamaanka ayaa iska leh, hay’adda ugu sarreyso sharci dajinta waa baarlamaanka  kaalintoodana marna  kama bixi karaan .
  4. Habdhaqanka Siyaasadeed ee ahaa musharaax in mushaarada ciidamada shaqaalaha dowladda iyo kan baarlamaanka  aan loo arag xaquuq  ay leeyihiin  oo loo arki hadiyad  ay markii la doonto madxda ay bixiso, mushaarka shaqaalaha iyo ciidamada  baarlamaanka hadiyad maahan  waa xaquuq  sharci ah , waxaa ogahay hadda inay mushaaro  badan idin kama qanyihiin .
  5. Waxaynu badalaynaa dhaqankii siyaasadeed ee malaayiin doolar lagu baabi’iyay  mooshin  dowlad lagu rido  iyo mid lagu dhiso , waxaynu ognahay waa caado xumo  waxyaabaha dowladdaan  16 sano la dhaqaaqi waysay  waxaa ka mida  isbadal aan macno lahayn, dowlad kasto oo timaado  oo aad doorataan  waxay uga tagtaa meeshaan  iyadoo hawlo qabyo ka ah , waxay uga tagtaa  saddex Raiisulwasaare  iyo sanad walba in dowlad cusub la keeno, marka halsano see  wax loogu qabanayaa , marka waxaa loo baahanyahay in arrintaasi  wax badan laga badalo .
  6. Dhaqanka ugu xun oo siyaasaddeena ku jiro waxa uu yahay in la quusto oo la yiraahdo meeshaan waxaba lagama qaban karo, xaaladdaadni way adagtahay shacabkaan dowlad marabaan  xaqiiq maahan  dhibka shacabku maahan, dhibku golaha shacabka maahan  dhibka waa madaxda la doorto  oo dadka quus gaarsiiya .
  7. Waxaan badalayaa dhaqankii siyaasadeed ee madaxda dowladda ay caado ka dhigteen in safarro aan loo baahneyn lagu sii socdo  oo waqtiga iyo hantida qaranka lagu lumiyo  waa caado xun , maxaa yeelay wasaaradda arrimaha dibadda  jirta oo loo baahanyhay inay socoto  maahan in madaxweynah uu bishiiba 3 jeer baxo  sidaas darteed  waa in la joojiyaa dhaqankaas .
  8. Waxaan badalayaa dhaqankii siyaasadeed  ahaa in xil la iska saarin nolasha ammniga  xildhibaanada  ee kaliya la xasuusto maalinta mooshin loo baahdo  ama cod laga rabo  waa dhaqan xun, xildhibaanadu iyagaa keenay madaxda  iyagaa dooratay iyagaa dhalay madaxweynaha ma aha in loo baaahdo marka laga rabo codka oo kaliya,waxaa laga raabaa talo,  waxaa laga rabaa inay dowladdaas  ay ka wax dhisaan .
  9. Waxaynu badalaynaa in ammnigeena ay cid kale nooga noqoto mas’uul,  macnaheedu waxaa waaye, wiilasheena dhalinyarada ah  oo askartaa  mahanan karaan mas’uuliyadda ammniga, waxaan aaminsanahay  waan arkay markaan ahaa Raiisawasaare  waxay u baahanyihiin markii la siiyo  inay hanan karaan oo dagaalyahano yihiin oo geesiyaal yihiin  markii xaquuqdooda meel loo saaro .

Waxaynu badalaynaa sidoo kale  haddii aad fursad isiisaan  aad ii doorataan  xilka aan raadinaayo  hadduu ilaahay yiraahdo  in dowladdu ay awoodeeda ay ku cabirto shacabka  intay u adeegi lahayd  jidadkaani  la xiraayo  oo maalmahoo dhan xiran,  waxaa waaye waa qeyb ka mida caburin , hadaad idoorataan magaaladaan nabad keeni waayo  baabuurtii waaweyneed ayaan gadaal ka galayaa jid la xiraayo majiraayo  markaan Al-shabaab ka adkaanayo markaas ayaan baabuurta ku raaxeyanaa laakin isma keeneyso adoo dagaal ku jira in jidadka ay dadka umadda  xiranyihiin wax loo baahan maahan .

Arrinta ugu muhiimsan waxay tahay oo la doonaya in la fahmo,  siyaasaddu waa xal raadin , siyaasadd khiyaano maahan , siyaasaddu been maahan, siyaasadu balan ka bax maahan  meel ay adduunka ay ka jirtana maahan  adduunkana kama jirto diinka islaamkuna maqabo  qof intaad been u sheegto oo aad uga baxdo,  waa ceeb waaye .

Mudanayaal iyo marwooyin  intaana aan wax idin kaga sheegin barnaamijkeyga siyaasadeed  aan halku dhig uga dhignay  “Nabad iyo Nolol”  Soomaali intaas ayay u baahantahay nabad ayaan u baahanahay, waxan walaalo isku mida  nahay walaalo  waxba aan kukala duwaneyn  qoladaan banaanka nooga soo duushay  oo siyaasadda shisheeya wadata  nabadda Soomaaliya  iyo horumarka Soomaaliya ma hor istaagi karaan  noloshu dadkeenu waa mid aad uliidata  Soomaaliya waxaa lagu tilmaamaa  waddanka ugu soboolsan adduunka  waana waddanka ugu hodsan magaalada marka loo fiiriyo ilaha dabiiciga ah , barnaamijkaasna waa idin horyaalaa .

Waxaan rabaa inaan wax yar dib idiin xasuusiyo  ballantii ee hadda ka hor  markii aan raadinayay in la ansixiyo  oo hortiina ka balan qaaday  waxaan ka ballan qaaday arrimaha ammniga inaan xoojiyo,   waxaan muddo yar gudaheed annagoo ilaahay kaashanayno  inaan magaalada mugdisho ka saarnahay Alshabaab oo markaas haystay  sidaad ogtihiin boqolkiiba 70% meel fog ma ahayn waxay joogeen baar bulsho ayay joogeen waad la socoteen wadada Makh Almukarama lama mari jirin , waxaan bilownay bixinta mushaaraadka  ciidamada ammniga, shaqaalaha dowladda iyo xildhibaanadii xiligaas joogay .

Waxaan dagaal adag la galnay  musuqmaasuqa oo aan isbadal ku sameynay  ha’adaha dhaqaalaha  waxaana kordhinay dakhliga dowladda  oo markii aan iscasilay oo aan ka tagay  oo aan qasnadda dowladda aan uga tagay 7.5 malyan oo dolar  meeshii aan ugu imid khasnad maran  waxaan dib u hawlgalinay televishinkii qaranka, waxaa dib u hawlgalinay iyadana  bankiga dhexe oo xoldhibaanada iyo shaqaalaha dowladda ay bilaabeen  inay mushaarada ka qaataan .

Mudanayaal iyo marwooyin  waxaan si taas la mida maanta  hortiina ka balan qaadayaa  inaan dhiso xukuumad fulisa  arrimaha ku xusan barnaamijka siyaasadeed  ee Nabad iyo Nolol  oo isagoo faahfaahsan aad haysataan,  saan sheegay  waxaa nambar kow ii ah ammniga  dalka waxa uu ku jiraa xaalad dagaal  ,lkin ma moogi dowladdu inay dagaal ku jirto waxaa waaye dagaalku waxa uu ka socdaa hal dhinac.  Alshabaab ayaa meeshey rabto weerarta, shabaabaa meeshii ay rabto qarxisa  waxaan haynaa oo kaliya oo ay dowladdu haysaa  tacsi  iyo cambaareyn , dagaalku waxa uu naqonayaa labo geesood,  waan isku tageynaa  ama haday nabad qaataan way fiicanyihiin  haddaysan nabad qaadana shacabka Soomaaliyeed meel kasta,  Xildhibaanada kulli waan dagaalameynaa,  maxaa yeelay nolol nooma diidi karaan  nabadna nooma diidi karaan .

Waxaan ku sameynaynaa tiro koob  ciidanka aan haysano  oo halwgali karo  ciidankaan halwgali Karin waxaan ka dhigaynaa hawl gab  xaquuqdoodana waan siinynaa  waxaan siinaynaa tobabar  ciidanka  marka kii laya qaanay maahan , waxaan siinaynaa tobabar wadaniyad  ciidamadeenu waa dagaalyahanno  way yaqaaniin sida loo dagaallamo  laakin waa in lasiiyo mabaadi’dii ay ku dagaalami lahaayeen , waxaan ognahay shabaab inay ku dagaalamaa diin  aan sax ahayn  oo gowracayaan qof ashahaadanaya iyagoo Allahu Akbar leh , sidaas darteed waa inaan siinaa ciidamadeeda tobabar  oo joogtaa oo la dareensiinaayo  dadnimada iyo waxay udhimanayaan , waa inaan siinaa daryeel  ciidan aan daryeel lahayn  madagaali karo  oo calooshiisa ay marantahay  waa inaan mushaar fiican siino , waa inaan caafimaad siino,  haddii uu dhintana  caruurtiisa waa inaan ka warqabnaa , agabkoodu waa inuu u dhanyahay,  qalab kaste waa inay haystaan oo ninka askariga ah waa inuu kala hortagi karaa cadowga,  markaas waxaan ka rabnaa inay anshax la yimaadaan  kii ku takri fala awooddiisa ama shacabka dhibaateeya ama ciidanka la shaqeeya dhibaateeya haddee qasbiyan waxuu wajahayaa sharciga, kii waxdilana waan dileynaa  kii dambi galena waa laga goynayaa dambiga,  mooralkooda waa inaan kor u kicinaa annagoo la shaqeyneyna  oo garab taagan  oo caanaha iyo biyaha ka dabo wadno inaan mooralkoodu kor u kicino si ay uga hortagaan  cadowga usoo xeedxeetay inay Soomaaliya u diidaan  nabad iyo nolol  u diidaan .

Tan ugu muhiimsan  waxaa waaye inay leeyihiin taliye fiican kow dagaalka galaya taliyaas oo yaqaano waxa uu udagaal galaya,  waxa laga rabo sharuucdiisa,  waa in isaga laftiisa lasiiyo tobabar joogta ah ,maxaa yeelay haddii uusan lahayn tobabarka uu u baahanyahay  hadaba ciidanka iyo  askartu saraakiishoodu waaye.

Inaan isku dhafno ciidanka  waa laga wadahadlaa laakin  wax adag maahan,  ciidamadii hore ayaa noojooga oo yaqaana sida loo qora ciidanka yaqaana, waxaa la ii sheegay unugkii kow iyo tobnka ahaa  hal hal ku qabiil ah inuusan jirin  micnaheedu waxay tahay hadda dagaal ayaan ku jirnaa qof walboo Soomaaliya oo dhaho dagaal diyaar ayaan uahay inaan dalka difaaco balse waa inaan kordhinaa ciidanka oo isku dhafno .

Arrant kaloo muhiimka ah ammniga abaabul  shacabka Soomaaaliyeed,  shacabka Soomaaliyeed inaan u dhawaano waaye cidda shacabka Soomaaliyeed udhaw ayaa guulaysanaysa .

Waxa ay shabaab nooga reynayso  nooga adkaanayso  wax kale maahan  waa shacabka waaye  shacabku waa inay dowladda aaminsanyihiin  dowladdana idinkaa la idin karabaa inaad keentaan  dowlad shacabku uu ku kalsoonaan karo  shacabka waxaan ka rabnaa inay warbixinno noo keenaan  iyo meesha ay shabaab ku jiraan shacabka waa inay ka qeyb galaan dagaalka , shacabku waa inay dhaqaaluhu bixiyaan  oo loo wada istaago sidii dadkaa looga xoreyn lahaa  horrorta.

Waa inaan warbaahinta adeegsano iyagoo culimada banaanka usoo baxaya  oo macneenaya diinta muqadaska ah   islaamka ah dhaliyaradaan shabaabka waxaan aaminsanahay inay qasbanyihiin iyaga laftigoodu   aysan ogeyn kuwa utaliyo meelaha ay amarka ka qaataan  oo loo soo diray inay dalkaan burburiyaan  oo kheyraadka aan leenahay aan u tagno  oo adduunka ay naga hor istaagaan wax allaala waxii maalgalin ahaa  oo loo baahnaa  saas darteed  cafis ayaan u fidinaynaa , anaa ugu horreeyay wax cafis u fidiyay,  bil gudaheed ayaa waxaa noogu yimid 300 boqol  meesha sirindi la yiraahdo  anagaa qabsanay ka dibna  dowladihii naga dambeeyay waa maamuli waayeen  waxaaba qaatay oo hadda muumulaya  dowladda Ingiriiska lkin annaga cidna ma aanan weydiisan taageero  qof kasta nin allaala ninkii kasoo tago  oo shabaabka ka soo tagana waxaan siinaynay $100 dolar .

Dagaalkaan waa dagaal dhaba waaye  waa dagaal xaq ah waaye maxaa yeelay waxaa larabaa ina diinteena  muqadaska ah  la xumeeyo  oo naloo tuso inaan nahay dad xun. Sirdoonka inaan xoojino baabuurtaan qarxaya maalin walba  waxaa waaye sirdoonka hadii la siiyo awoodooda dhaqaale iyo awoodooda aqoon la siiyo  waxaan aaminsanahay sirdoonka oo la xoojiyo hawshoodu inataha  baabuurtaan isqarxinayso oo heelada iyo dadka laynaya in wax laga qaban karo , waxa wax looga qaban karo wax yar ayaa idin kaga sheegayaa  waa sahal waaye .

Hal malyan oo doolar in bishii meel loo dhigo  qofkii soo sheega baabuurka qarxaya in la siiyo 100,000 oo doolar  haddii uu rabo inuu dabada loo dhigo  qofkii warbixn fiican keeno oo umadda lagu babaadiyo hadduu rabo inuu dibada aado si uu maalmo uga maqnaado si aysan udilin  inaan ufududeyno,  waxyaabaha ay qarxiyeen haddii ay yihiin hoteelo  iyo guryo inaan dhisno annaga  maxaa yeelay anagaa ka mas’uula  annagaa ilaalin weynay  nabad gelyadii,  dadka ku dhinta inaan magdhow siino,hooyooyinka iyo aabayaasha ku dhintay ilmahoodu ay agoon iyo rajo ay ku oqdaan inaan u wadno dhaqaalihii ay waalidka ka heli jireen,  micnaheedu waxa uu noqonayaa  shabaab oo ka soo horjeeda u maad Soomaaliyeed oo dhan  iyo dowladdii oo wadata shacabkeeda  oo qofkii dhib uu ku dhaco ay daaweysanayso ama au xuquuqdiisa ay siinayso .

Arrinta nolosha saan sheegay  isbadalkeenno waa nabad iyo nolol  waana waxaan ubaahannahay  labadaas hadaan abaarno  waxaan aaminsanahay inuu dalkaan uu noqonayo dalalka ugu kheyraadka badan waxaa ugu horreeya hadaan nolol rabno  musuqmaasuqa inaan ladagaalano,  musuqmaasuqa waa cadowga  siyaasadda cadowga dowladeed waaye  sida shabaabka ay cadowga shacabka u yihiin yaana musuqmaasuqa u yahay cadowga horumarka  waxaa laba bil ka hor ay soo saareen  waxaa la soo saaray inaan nahay waddanka ugu musuq maasuqa badan  aduunka  176 baan uga jirnaa, waddanka ugu horreeyana waa Denmark,  maxaa noo diiday inaan Denmark latartano?  maxaan ugu jirnaa inaan noqono dadka ugu xun dunida?  illeen musuqmaasuq micnaheedu waa tuug  diinteena ma ogola  dad islaam ah ayaan nahay ,maxaa nagaarsiiyay inuu aduunka nala yaabo  ay yiraahadaan dadkaan  bani aadam maahaan .

Walaalayaaloow mudanayaal iyo marwooyin hadaad idoorataan musuqmaasuqeyga musuqmaasuqa waa beegsigeyga ugu horreeya  waa la dagaalamaynaa  si fool xunna waan ula dagaalamaynaa  qofkii hantida qaranka ku takri fala  umaddana waan ku ceebaynaynaa  xabsi dheerna waan u diraynaa .

Kaabayaasha dhaqaalaha waa inaan soo celino  si dhalinyarada Soomaaliyadeed oo shaqo la’aanta haysato ay shaqooyin uga helaan  waa inaan maalgalin shisheeyo keeno  maalgalin shisheeyo ma imaanayo  waddan uu musuqmaasuq hareeyay marna ma imaanayo maxaa yeelay  yaa tuug wax ku darsanaayo  dadkaas waa dad nadiifa  ma Denmark ayaa kuu imaanaysa  kuu imaan mayso , maxaa yeelay  dhib korkaaga ah ayaa yaala waa inaan isasaxnaa annaga  oo aan noqono dad islaamaa oo saxa  oo raba waqtiga  oo hadda caalamka uu ku noolyahay oo layiraahdo qarniga 21aad  inaan ku noolaano .

Dhib u heshiisiinta  dib u heshiisiin ayaan sameynaynaa dad walaalo ah  ayaan nahay wax aan kukala duwannahay  maleh  waxaa laga yaabaa siyaasiyiin inay nakala fogeynayaan balse dadka Soomaaliyeed col maahan,  waxaan xoogga saareynaa  aniga hadaad I doorataan  madaxweyne noqon mayo nabaddoon ayaan noqonaa  waxaan ugu tagayaa cid walba  meesha ay  joogaan  waxaa xoojinayaa oday dhaqamedyada rasmiga ah ayaan xoojinayaa  mushaar joogtana waan u qoreynaa  hadduu ilaahay hiraahdo. Waxaan kaloo rabaa inaan dhameystiro wadahadallada udhaxeeya  walaalaheen Soomaaliland  iyo dowladda dhexe  Soomaali waa dad walaalo ah makala maarano  wixii ku dhaca annagey nagu dhaceen  wixii annaga nagu dhacana way naga naxayaan  waan isku baahanahay makalo maarano,  waa inaan ugu hambalyeyno runtii hormarka ay ka gaareen inay degenaasho,  xasilooni siyaasadeed  iyo mid dhaqaale inay sameeyaan  waana wax muhiima ah  in looga daydo  in sha allaah  hadduu ilaahay  codkiina I siisaan  inaan halkaasi ka bilaabo dadkaas walaalaheen inaan la fariisano wax allaale waxay tabanayaan sidaacada oo ilaahay hortiisa  inaan ugala xaajoono ,maxaa yeelay annagu dad yar ayaa nahay  waan isku wado baahanahay waana u baahanay .

Een, Arrintaasi waxaa sal u ah  nabad iyo nolosha aan sheegay  dowlad wanaag  iyo sarreynta sharciga,  dowlad wanaag waxaa waaye wadashaqeyn udhaxeysa waxay ka bilaabanaysaa madaxweynaha  iyo Raiisulwasaaraha,  saan ognahay  laga soo bilaabo 2000 ilaa hadda  madaxweyne walba waxa uu shaqada ka tuurayay  Raiisulwasaaryaal,  ninka ugu yar ayaa saddex Raiisulwaare keenay  micnaheedu waxay tahay arrintaas  waxaa lagu wadashaqeynaayay awalba dan gaara, dan guud ummadda iskuma qabsato,  haddii ninka madaxweynuhu ah uu Raiisulwasaaraha uu ku keeno dan guud  waa inoo keenaa qof fiican  maahan inuu raadiyo qof xun ama qof liito  inuu keeno maahan  haday wax isku qabsadaana inay baarlamaanka  sharafta leh  la soo dhexgaliyo hawsha  oo la yiraahdo haye talo fiican keena  labadeena labadaa talo ayaan isku haynaaye  illeen dan gaara ma jirtee  talo fiican keena  waxaa laga yaabaa talo ka fiican labadooda in la keeno .

Sarreynta sharciga,  waa muhiim waa waxyaabaha  aan runtii kagaabinay waaye  haddii uu madaxweynaha ka gaabiyo  sarreynta sharciga  Raiisulwasaaraha ayaa ka gaabin  dowladuu dhan way kawada gaabinaysaa .

Waxaa tusaale u ah madaxweynaheena hadda jooga  oo waqtigiisu dhamaaday  sharci kuma fadhiyo  intuu baarlamaanka horyimid oo idin horyimid idimuusan oran  waqtigii waan haleeli waayay  waxaan ubaahanay waqti dheeraada  iigu dara,  oo I sharciyeeya  idamin horan  lkin adinka waad sharciyeyseen, oo guddoomihiyii baarlamaankawaad shariciyeseen laakin isaga masoo marin leebalkaas.

Sidaas darteed waxaa waaye  in la joojiyo dhaqankaas  dhaqan fiican maahan maxaa yeelay madaxweynuhu waxaa larabaa inuu noqdo  tusaale wanaagsan oo lagu daydo ,

Nidaamka Federaalka ah, waxaan ubaahannay inaan si rasmi ah u hirgalino hirgalintuna  nidaamka federaalka  waxaa loo baahanyahy in  dastuurka dib u eegis lagu sameeyo  oo la qabyo tiro ka dibna  afti loo qaado .

Waxaan rabaa inaan la hadlo dhalinyarada halkaan  ku jirta,  oo aan isleeyahay namber fiican way soo galeen  baarlamaanka soo galay  een, waxaa Soomaaliya soomaray dowladnimadeedii  saddex jiil jiil hore oo axyaa waddani ah  oo ka saaraayay dalka gumaysiga  oo qabiilka banaanka iska dhigay  oo midnimada Soomaaliyeed xoojinaayay  aad bey usoo shaqeeyeen ilaahay  ha siiyo naxariistiisa waxay Soomaaliya keeneen  meel  dowlad ka noqon karno,

Jiilka labaad waa jiilkii dowladda noqday  oo soo socday ilaa 91kii

jiilka saddexaad waa dhalinyarada hadda soo gashay qaarkood  oo ku hana qaaday burburkii .

Waxaan rabaa inaan xuso  guddoomiyaha baarlamaanka  hadda ka hor mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari  oo dhalin yaro la hadlaayay,  dhalinyaradaasi  wuxuu ku yiri  hadal taariiqi ah  wuxuu ku yiri naga raali  ahaada saddex jeer  naga raali ahaada naga raali ahaada oo naga raali ahaada , waayu idamin diyaarin  wixii jiilkii annaga naga horreeyay  oo SyLka ahaa  oo noo diyaariyeen oo wadaniyadnimada aheyd .

Marka waxaa su’aal ah,  jiilkaas dambe  oo hadda jooga oo dhalinyaradaan u badan xildhibaanada  shalay markaad Jaamacadaha dhiganeyseen  waad la yaabanayseen siyaasiyiinta Soomaaliyeed  waxaad la heydeen maxaa ka halaysan 16 sano way badantahee  maxay wax u qabsan waayeen  maxay wax u hallaysanyihiin .

Hadda adinkaa qalinka haysto,  qalinka adinkuu gacanta idin kugu jiraa  waxaad kala dooranaysaan marka dhalinyaro,  xildhibaano  waad sharfantihiine,  waxaad kala dooranaysaan  inaad sidii  guddoomiyaha baarlamaanka  aad raali galin siisaan  kuwa idin ka dambeeya  oo tiraahdaan markaan qalinka haysanay  wax waa idiin qaban weynay  oo dano shaqsiyaa qaadanay  ama kuwii Axyaa waddani  ee SYLka ahaa  oo midnimada Soomaaliyeed keenay jidkoodaa qaadeysaan  badbaadidisiisa horseed ayaad ka noqonaysaan.

Dumarka Soomaaliyeed haweenka Soomaaliyeed  oo iyaguna qeyb weyn ka qaatay  baarlamaankaan hadda  aad baan ugu faraxsanahay  inay ku soo bateen lkin aysan dhameystirnin  boqolkiiba 30% , lkn  waa taariiqi waa arrin taariiqiyah  waxaa nasiib darraa Soomaaliya waxay noqotay  meesha dunida ugu xun  ee hooyada iyo dhalaanka,  qiyaastii boqolkiiba  6-10 %  hooyada uurka leh  boqolkiiba 6-10% waxay halis u tahay  inay dhimato ama ay umul raacdo  boqolkiiba 10% ilmaha dhalanaayo  waxaa laga yaabaa inay  dhintaan .

Hooyada Soomaaliyeed  waa tan markii uu dhib dhaco qaxda,  waa tan ooyeysa markii ilmihii ay ku baaba’aaan badda  , waxaan idin ka codsanayaa  codkiina si aan ubadbaadino  dhalaanka iyo  haweenka Soomaaliyeed  oo runtii dhibka ugu badan uu iyaga ku dhacaayo. Wasalaamu Caleykum Waraxmatulahi Wabarakaatu.

W/Q: Jaamac Cali Shadane

Related Articles

One Comment

  1. Sildenafil Kumagai Propecia Covered By Health Insurance Amoxicillin Dosage Dental [url=http://levipill.com]buy levitra[/url] Kamagra Glaucoma Propecia Apotheke Preis Levaquin Low Price

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW