U bood dhigaalka

Bangiga Adduunka: 20 Milyan Ayaa Khatar Ugu Jira Gaajo, Soomaaliya Ayaa ugu Horreysa

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Bangiga Adduunka  Jim Youn Kim ayaa waxaa uu qoraal uu soo saaray ku sheegay in malaayiin dad ah ay khatar ugu jiraa qaar kalana ay u dhimanayaan gaajo ka jirta dalalka Afrikaan ah, taasina ay ceeb ku tahay caalamka.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in laga jawaabo baahiyo deg-deg ah oo ka jira dalalka Nageria, Itoobiya, Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya iyo in qoysaskaas loo helo biyo iyo baad.

Mr. Kim waxaa uu leeyahay waxaa loo baahan yahay lacag dhan 1.6 Bilyan oo dollar si dadkaasi u helaan nidaan ka hortag, waxaa ku jira 870 Milyan oo looga hortagayo gaajada oo lagu dari doono 770 oo dheeraad ah.

Guddoomiyaha bangiga adduunka  Jim Yong Kim waxaa sidoo kale ka hadlay in arrintan loo baahan yahay in ay iska kaashadaan dhammaan hey’adaha kala duwan sida: Bangiga iyo Qaramada Midoobay, lana diyaariyo sidii dadkaas ku heli lahaayeen waxbarasho, cunto iyo xirfado iyo in loo diyaariyo sidii ay uga gaashaaman lahaayeen mustaqbalka dhibaatooyinkan oo kale.

Abaara:

Dalal badan oo Nageriya iyo Yemen ku jiraan ayaa khatar ugu jira gaajada, dalka Koonfurta Suudaan illaa 100,000 oo qof ayaa khatar ugu jirta in ay u dhintaan gaajo, waxaa sidoo kale laga yaabaa in dagaallada ka jira meelaha qaar ay dad badan qaxaan.

Warbixintan waxaa ay leedahay dalalka gaajada ka jirto sida: Soomaaliya iyo Suudaan waxaa ay keentay in dad dhibaatada ka cararay ay galaan dalalka Itoobiya iyo Uganda.

Hey’adda Qaramada Midoobay waxaa ay dadka ku dhibaateysan dalalka Nigeria, Koonfurta Suudaan, Yemen iyo Soomaaliya ku qiyaastay illaa 20 Mliyan oo qof halka dhibaatadaas ay sidoo kale saameysay qeybo ka mid ah Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Tanzania.

Abaar middan oo kale ah oo Soomaaliya ka dhacday 2011-kii, waxaa ku geeriyooday illaa 260 kun oo qof oo u badan caruur, haween iyo dadka da’da ah.

Goobjoog News