U bood dhigaalka

7 Qodob Oo Ku Tusinaya In Soomaaliya Aaney Diyaar u Aheyn Tartan iib balookyo Shidaal

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka ah Soomaaliya waxaa ay Febraayo 7, 2019-ka,  dalka Ingiriiska ku qaban-doontaa tartan iib oo lagu bixin-doono bolock-yo dhan ilaa 50 xabo, oo ku saabsan baarista shidaalka ku jira xeebaha koonfurta Soomaaliya. Halkii Block waxaa uu ku fadhiyaa 5,000km2 oo shidaalka ku jira ay kala badan yihiin, qaar ayaa waxaa ku jira 2 bilyan oo birmiil, qaar kale 3, 4 ama 5, waxaa jira jira Block-yo ay ku jiraa ilaa 7 Bilyan oo Barmiil oo shidaal ah!

Tartanka iibka ee dowladda federaalka ah ku qaban-doonto London 7-bada bisha soo socota, waxaa bannaanka ka ah oo aan tartankaas ku jirin Block-yo horay loo siiyey  Shell.Exxon iyo Soma Oil & Gas, shirkadda hore waxaa ay dowladdii Jaalle Siyaad ka heshay 60,000km2 oo dhaca bariga Soomaaliya halka Soma Oil & Gas ay horay u xulatay 12 block oo koonfurta Soomaaliya ah gaar ahaan agagaarka Baraawe iyo Marka, oo ay ku jiraan labo Block ka mid ah sida 7 & 8 ilaa  13 Bilyan oo Barrels am Birmiil.

Haddaba, Goobjoog News, ayaa ogaatay in dowladda Soomaaliya aaney xilligan diyaar u aheyn tartan iib oo noocaas ah marka la fiiriyo shaqo la rabay in la qabto tartanka ka hor oo aan la dhameystirin, taasi oo keeni karta in natiijo fiican aaney ka soo bixin ama in la khiyaameeyo Soomaaliya, kheyraadkeedana si fudud loo qaato.

Arrimaha muhiimka ah ee dowladda ilaa hadda qabatay waxaa ka mid ah: Heshiiska maamulka iyo wadaagga kheyraadka oo ay wada saxiixdeen dawladaha xubin federaalka ah iyo dawladda federaalka, waxaana la sheegayaa in la diyaariyey Modeelka Soomaaliyeed ee Soo-saar Wadaagga Shidaalka (Model Production Sharing Agreement) iyo xogahii saysmikada ee badda (2-D seismic data), oo tilmaamaya meelaha laga yaabo inuu shidaal ku jiro oo biyaha badda ka hooseeya.

Marka 3-daas arrin laga soo tago, waxaa dhimman ama qabyo ah arrimo aan la’aantood wax tartan ah la qaban Karin:

Akhriso, 7 Qodob Oo Ku Tusinaya In Soomaaliya Aaney Diyaar Aheyn Tartan iib Block:

1. Ma lihin dad nagu filan oo aqoon iyo khibrad u leh hawlaha qandaraas-bixinta iyo gorgortanka la xiriirka ee shirkadaha caalamiga ah ee sahmiya, soona soo-saara shidaalka. Marka hore sow ma aheyn in la diyaariyo khayraad aadami ah oo hanan karo hawlaha ilaalinta iyo horumarinta khayraadka.

2. Sharciga Batroolka oo Baarlamaanka Federaalka la yaalla, la’aantiisa ayeyna rabtaa dowladda federaalka ah inay gasho tartan iib, oo lagu bixinayo 50 Block oo midka ugu yar ay ku jirto 5 Bilyan oo Barmiil.

3. Ma jiro Xeerar hoosaadyo ku saabsan bii’ada (deegaanka) iyo caafimaadka (Health /safety and environment)

4. Ma dhisna Hayadda Soomaaliyeed ee Shidaalka (Somali Petroleum Authority)- Hayaddan waxay bixinaysaa laysanada iyo ruqsadaha, waxayna daba-galaysaa hawlaha socda, iyo sida ay u socdaan hadday waafaqsan tahay heshiiska Soo-saar wadaagga shidaalka (Production sharing agreement”

5. Ma jirto wax caddeynaya in lahayo xog sax ah ee 2-D saysmikada taasi oo lagu qiimeyn karo Blockyada iyo kala duwanaanayaan mugga shidaalka.

6. Lama sameyn qiimaynta saamaynta hawalaha shidaalka ay ku yeelan karaan deegaanka badda ah (Environmental impact assessment).

7. Lama diyaarin Sharciga Cashuuraadka (a Modern Tax Law). Sidaan og nahay Wasaaradda Maaliyadda ayaa faraha ku hayso hawshaas.

Sidaas awgeed, waxaa muuqata in wasaaradda Batroolka  uu degdeg ku jiro, arrintaas oo saameyn ku yeelan karta qaranka Soomaaliyeed.

Goobjoog News