U bood dhigaalka

7 Qof oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootay Gobolka J/Hoose

Sheeko:Caafimaadka

Wararka ka imaanaya deegaanka Sanguuni ee gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dilaacay cudurka Shuban Biyoodka, iyadoo dad kalena ay cudurkaasi la il daran yihiin.

Abshir Xaashi Jimcaale oo ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Sanguuni ayaa u sheegay Goobjoog news in dadka geeriyooday 2 ka mid ah ay yihiin dad waaweyn halka 34 kalena loola cararay Isbitaalka magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay Abshir in aysan jirin gurmad caafimaad oo halkaasi ay geeyeen maamulka Jubbaland, hase ahaatee ay dadka isku tashteen.

Tuulooyin ku dhaw deegaanka Sanguuni ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa inuu ka jiro cudurka Shubun biyoodka, sababta cudurkaanna waxaa lagu sheegay kuleyl daran oo deegaankaasi ka jira.

Ugu dambeyn Abshir ayaa sheegay in ay ka deegaan ahaan xiriir la sameeyeen maamulka Isbitaalka Kismaayo si ay daawo uga helaan, balse waxa uu tilmaamay in ay u sheegeen in hadda deegaankaasi aanay dawo ku filan u heli karin.

Deegaanno badan oo ka mid ah gobolka Jubada Hoose waxaa sidaan oo kale looga soo sheegayaa inuu ka dillaacay cudurka shuban biyoodka, waxaana la jiifa dad carruur u badan.

Goobjoog News