U bood dhigaalka

7 Qof Oo Ku Dhaawacantay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaaro geystay oo Saakay ka dhacay agagaarka bar lagu hubiyo gadiidka oo ku taalla Isgooyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in qaraxa ay ku burbureen hanti balse aysan jirin khasaaro dhimasho ah.

War kas oo baxay ,Taliska ayaa lagu yiri ”  gaari argagixisadu ku soo rartay walxaha Qarxa, ayaa soo jiiray barta hubinta gaadiidka ee u dhow iskoyska Dabbka ee Ciidanka Boliiska, Ciidanka oo rasaaseynaya ayuu soo gaaray barta hubinta gaadiidka ee u dhaw isgoyska Sayidka ee laga hubiyo gaadiidka galaya Madaxtooyada.”
“Qaraxa ayaa dhacay dadka oo ka feejignaa dhawaqa rasaasta iyo qeylo-dhaanta Ciidanka, kaas oo sababay qasaare dhaawac oo gaaray ilaa 7 qofood iyo burbur hantiyeed oo ah 8 gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj, walow aysan jirin wax qasaare dhimasho ah oo dadka ka soo gaaray goobta, marka laga reebo naftii haligihii waday gaariga qarxay.”
GoobJoog News