U bood dhigaalka

7 Qof Oo Ku Dhimatay Derbi Ku Soo Dumay

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in derbi uu ku soo dumay qoys barakacayaal ah oo halkaas deganaa .

Inta la xaqiijiyay 7 oo isugu jira  caruur  iyo dad kale ayaa ku geeriyootay halka laba kale uu dhaawac ka soo gaaray kadib markii uu ku soo dumay derbi ku yaalla xarunti ay daganaayeen .

Dadka geeriyooday ayaa sidoo kale la sheegay in  5 ka mid ah ay isku qoys ahaayeen, dadka ku dhaawacmay ayaa  xaaladooda caafimaad hadda lagula tacaalaya mid ka mid ah isbitaalada ku yaallo magaalada Muqdisho .

Qoyskan ayaa Waxaa ku jirtay gabar aroos ahayd, hooyo iyo gabar yar oo ay nuujinaysay, wiil ay dhashay iyo gabar kale oo marti u ahayd qoyska ay musiibadu haleeshay, sidoo kale aabbaha dhalay qoyska ayaa dhaawac soo gaaray isago  hadda ku jira isbitaalka Madiina ee Muqdisho.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday xaafaddda waaxda Afaraad ee deegaanka garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho .

Qoysaskan barakacayaasha ah ayaa la sheegay in ay ka soo barakaceen deegana ka tirsan gobalka Shabeellada Hoose .

GoobJoog News