U bood dhigaalka

7 Ruux Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootey Garbahaarey, Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay 7 qof ugu dhinteen cudurka shuban biyoodka, iyadoo tiro intaa ka badanna ay cudurkaasi la jiifaan.

Dadka dhintey 4 kamid ah ayaa naloo xaqiijiyey iney yihiin carruur, waxaana cudurkaan uu degmadaasi ka dilaacay 21-ka bishii hore ee February.

Dr. Adan C/qaadir Shire oo ah Maamulaha Isbitaalka Garbahaarey oo la hadlayey Goobjoog News,  ayaa sheegay in Cudurkan tan iyo intii uu ka dilaacay deegaanka maalin weliba isbitaalka in ay soo gaaraan bukaano tiradoodu ay u dhaxeyso 25 ilaa 20 , waxaana laga kala keenayaa sida uu sheegay Xeryaha barakacayaasha ,tuullooyinka iyo baadiyaha, isagoo sheegayna cudurkan inuu ka dhashey abaaraha, isku soo guurka barakaca, Biyo yaraanta Ceelasha, isbedalka Biyaha iyo nadaafad darida ka taagan deegaanka.

“Dadka uu soo ridanayo cudurkaan waa ay badan yihiin, 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxa uu soo ritay dad ka badan 20 qof, dadka waxaa laga keenayaa xeryaha barakacayaasha iyo sidoo kale deegaannada ku dhow degmada, cudurka waa uu sii faafayaa, waxa uu gaaray dhammaan dhulalka baadiyaha ah ee ku dhow degmada” ayuu yiri Dr. Aadan.

Abaarta ka jirta gobolka Gedo, biyaha aan nadiifka ahayn ee dadku cabaan iyo sidoo kale nadaafadda oo aan wanaagsaneen ayaa sii sahashay in cudurkaan uu ku faafo deegaanno hor leh oo gobolka ah.

Goobjoog News