9 Xildhibaan Oo Somaliland Kasoo Jeeda Ayaa Lagu Doortay Muqdisho (Sawirro)

Maanta oo Sabti ah waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada kuraasta gobollada Waqooyi (Somaliland) uga soo aadey baarlamaanka aqalka hoose.
Waxaa maanta la doortey 9 kursi, iyadoo Saddex kursi ay u tartameen haween oo kaliya.
Sida loo kala guuleystay:-
Kursiga 1-aad: Axmed Maxamed Cumar oo aan waxbo helin iyo Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku guuleystay 51 cod.
Kursiga 2-aad: C/xakiin Ciise Guuleed oo helay 21 cod iyo Faysal Cumar Guuleed oo guuleystay kadib markii uu helay 29 cod.
Kursiga 3-aad: Faa’iso Axmed Cali oo aan waxbo helin iyo Aamino Axmed oo ku guuleysatey 51 cod.
Kursiga 4-aad: Farxaan Cabdi Faahiye oo helay 6 cod iyo Cilmi Maxamed Nuur oo ku guuleystay 45 cod.
Kursiga 5-aad: Safiyo Ibraahim Suldaan oo aan waxbo helin, Deeqo Xasan Xuseen oo heshay 18 cod iyo Maryan Maxamuud Ciise oo ku guuleysatay 33 cod.
Kursiga 6-aad: Raaqiyo C/naasir Axmed waxay u tanaasushay Xorriyo Aadan Ciise.
Kursiga 7-aad: Maxamuud Maxamed Sacad wuxuu u tanaasulay Saalax Axmed Jaamac.
Kursiga 8aad waxaa ku guuleystay Cabdoo Maax Faarax
6-dii bishan beelaha dega gobollada Waqooyi (Somaliland) ayaa Lix xildhibaan ku doortey magaalada Muqdisho, waxayna wadarta xildhibaannada ay doorteen ka dhigan tahay 13, waxaana u haray doorashada 24 xildhibaan, iyadoo xusid ay mudan tahay inaan weli la dooran xildhibaannada aqalka sare ee Somaliland.
Goobjoog News