70 qof Oo Shuban Biyood Uu Soo Ritay Deegaanka Wardheere, Galgaduud

Labadii todobaad ee ugu dambeeyay  dad ka badan todobaatan qof ayuu ku soo ritay cudurka shuban biyoodka deegaanka laas Wardheere ee gobolka Galgaduud .

Dadka uu soo ritay xanuunka shuban biyoodka waxaa daweyn loogu soo qaadaa Isbitaalka magaalada Cadaado si loola tacaalo xaaladdooda caafimaad, maadaama deegaanka uusan laheyn xarun caafimaad sida uu Goobjoog News u sheegay Daahir Caddinuur Diiriye oo ah guddoomiyaha degamada Laas-wardheere.

“Waxaa ka jira dalka ilaa iyo aagga Laas-wardheere abaar baahsan ooh ore taasi oo ay u dhamaadeen xoolaha, dadkiina marka xanuun ayaa soo ritay layiraahdo daacuun , intaan aragnay hal qof ayaa u dhintay dad badanna waxaa keenay Isbitaalka Cadaado”.

Cudurka shuban biyoodka ayaa waxaa uu ku dhuftay gobollo badan oo ka tirsan dalka waxaana u geeriyooday dad badan kuwaas oo iskugu jira caruur iyo haween.

Goobjoog News