U bood dhigaalka

Djibouti Oo Laga Dhisayo Dekad Xoolaha Laga Dhoofiyo Tan Ugu Weyn Bariga Afrika

Sheeko:Dalka

Dowladda DJabuti ayaa wado qorshe ay dekad uga dhisayaan  duleedka magaalda DJubouti ee caasimadda waddankaasi, taasi oo loogu talo galay in laga dhoofiyo xoolaha nool, waxaa loo suuq geyn doonnaa qaar ka mida wadamada Khaliijka.

Dekaddaan ay dhisayso dowladda DJibouti ayaa waxay noqon doontaa dekadda ugu weyn ee gobolka bariga qaaradda Africa taasi oo shaqadeeda ay tahay in laga dhoofiyo xoolaha nool, dekadaan awaxaa lagu magacaabi doonaan Dameero Joog Live stock  Port.

Macaamiisha dekadda ay dhisayso dowladda DJibouti ayaa waxay noqon doontaa dowladda Itoobiya taasi oo la filaayo inay noqoto  Dowladda  ugu weyn ay oga  dhoofayaan xoolaha ugu badan ee dekadda laga dhoofinayo,

Itoobiya ayaa ah waddan deris la ah waddanka DJibouti waxaana lagu tiriyaa inay tahay Itoobiya wadamada ugu xoolaha badan geeska qaaradda Africa.

Dekaddaan ayaa sanadkii waxaa laga dhoofin doonaa xoola gaaraya tiradooda  ilaa iyo 10 Milyan oo neef, waxaana halkii mar ku soo xiran kara dekaddaan ilaa iyo shan Markab kuwaas oo ah nuucyada waaweyn ee xambaara xoolaha.

Qorshaha dowladda Djibouti ay ka dhisayso duleedka caasimadda Jabuuti ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli dowladda Sacuudi Carabiya ay xayiraad ku meel gaar ah ay saartay xoolaha nool ee loo dhoofin jiray Sacuudi Carabiya, kuwaas oo inta badan ahaa ilaha dhaqaalaha ugu muhiimsan ay ka soo gali jireen wadamada ku yaallo geeska qaaradda Africa, dowladahaas oo ay Soomaaliya ay ku jirto.

Dowladda Jibouti ayaa dekadda ay dhisayso waxay uga faa’ideysanaysaa goobta ay ku taallo oo ah meel istiraatiiji ah,taasi oo saaran marinka loo yaqaano Baabul Mandab.

Goobjoog News