U bood dhigaalka

Qaar Ka Mid Guddoomiyeyaasha Guddiyada Joogta ah ee golaha Shacabka Oo La Doortay

Sheeko:Baarlamaanka

Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa doortay 3 ka mid ah Guddoomiyeyaasha Guddiyada joogta ah ee golaha Shacabka.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey iyo Guddoomiye ku-xigenka labaad ee golaha Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa lagu doortay ilaa iyo saddex guddi iyo ku-xigeenadooda.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka dabiiciga, Xildhibaan Sagal Isxaaq Biixi waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka halka Xildhibaan Malaaq Dhaayow loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Beeraha, iyadoo sidoo kale la doortay saddex guddoomiye ku-xigeen oo hoostagaya Guddoomiyeyaasha la doortay.

Lama oga goorta ay soo afjari doonaan doorashada guddoomiyeyaasha golayaashan, taas oo sida la sheegay ku xiran shaqada baarlmaanka Soomaaliya.

Goobjoog News