U bood dhigaalka

Sarkaal Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Lagu Dilay Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay dileen sarkaal iyaga ka tirsanaa.

Sarkaalkan la dilay ayaa lagu magacaabayey C/laahi Baxar Cali, waxaana la sheegayaa in lagu dilay deegaanka Likooley ee Gedo, iyadoo dilkiisa warar kala duwan ay kasoo baxayaan.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in Baxar uu mar soo ahaa mas’uulkii Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Gedo.

Maalmihii ugu dameeyay ayaa la sheegayey in sarkaalkan iyo ciidan ay isku hayb yihiin oo ka tirsan Al-shabaab ay Gedo ka wadeen dhaq dhaqaaqyo ciidan, lamana oga waxay damacsanaayeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News