U bood dhigaalka

Sababaha Keena Daalka iyo Firfircooni La’aanta Xilliyada Shaqada

Sheeko:Caafimaadka

Iyadoo ay jirto in dadbadan oo naga mid ah ay seexdaan tiro saacado ah oo ku filan, ayaa hadana dadka qaar ay  dareemaan daal iyo caajis maalitii inteeda badan, taas oo keenta iney saameyn ku yeelato shaqadii maalin laha ahayd.

Hadaba, warbixin lagu daabacay wargeysta Elespanol ee dalka Spain ayaa lagu sheegay in dadka qaar iyadoo ay jirto iney 8 saacadood seexdaan ayaa hadana ay ku cuslaataan iney nolol maalmeedkooda si waangsan u qabsadaan.

Hadaba, sababaha keeni kara in qofku caasij dareemo maalintii waxaa ka mid ah:

Shaqooyinka Jirka ah ee Qofku Qabto oo Aad u Yar

Dadka aan qaban howlaha dhanka jirka khuseeya amaba inta badan ku shaqeeya Computer-ka iyo shaqooyinka fadhiga lagu qabto ayaa lagula taliyaa iney sameeyaan jir dhis amaba ay Sports ciyaaraan si maalinle ah, haddii ay cadaadsi yeeshaaan waxay ka caawineysaa iney si wanaagsan u saxeedaan, firfircooni wanaagsanna ay ka dareemaan nolol maalmeedkooda.

Iska ilaali Coffee

Caado ahaan Kafeega ayaa u noqda dookha koowaad qofka dareema caajiska xilliyada gudaha shaqada, caadadaasi xaaladda ayunbay kugu sii cakiraysaa waxba kaaga tarimeyso firfircoonidii aad dooneysay, gaar ahaan marka aad kafeega cabto duhurka ka dib, saameyntiisu illaa habeenkii ayay sii soconeysaa, waxaaba dhacda in mararka qaar aad ka dhaxasho hurdo xumi, taasoo ka dhigan in caajiskii ay kuugu darsanto hurdo xumi.

Cabitaanka Biyaha oo Yar

Waxaa caan ah in biyo yaraanta jirka ay ku keento daal farabadan, biyuhu waa dareeraha ugu muhiimsan ee jirka uu ka kooban yahay, xataa haddii 1.5-2% ay hoos u dhaco heerka biyaha waxaa dhiigga ku yaraanaya Oxygen-ka, taas oo keenaysa caajis iyo howl maalmeedkii oo aadan si wanaagsan u qaban kari.

Mashkilado dhanka Caafimaadka ah

Mushkilado caafimaad oo dhanka jirka ah amaba nafta ah ayaa keeni kara caajiska, cudurka sonkorta, dhiigga oo ay ku yaraato birta, amaba dhibaatooyin dhanka qanjirka quunka(Thyroid) iyo Depression ayaa keeni kara inaad daal iyo caajis dareento.

Si kastaba, daalka ku haya nooca uu doonaba ha noqdee astaamaha aad doontidna isku arage, waxaa kugu habboon inaad gaarto dhakhtar si loo ogaado daalka ku hayaa xilliyada shaqda nooca uu yahay iyo halka uu salka ku hayo, si xalkiisan loo helo xilli hor.

Goobjoog News