U bood dhigaalka

Soomaali Kasoo Laabatay Xeryaha Dhadhaab Oo Soo Gaaray Kismaayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose waxaa maanta soo gaaray qoysas Soomaaliyeed oo dib uga soo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab, kuwaasi oo dalkooda kusoo guryo noqday.

Qoysaskani oo gaarey illaa 30 ayaa diyaaraddii sidday waxay kasoo dejisay garoonka magaalada Kismaayo, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Dadkan qaarkood oo la hadlay Goobjoog News, waxay sheegeen in iyaga ay si iskood ah dalka ugu soo laabteen, islamarkaana ay muddo sugayeen iney dalkooda yimaadaan iyaga oo nabad ah.

Qaar kamid ah dadkan soo laabtay waxay sheegeen in dalka ay ka maqaanaayeen in ka badan 10 sano, intaasina ay qaxooti ku ahaayeen xeryaha Dhadhaab.

Soomaali badan oo qaxooti ku ahaa xeryaha Dhadhaab ayaa dib ugu soo laabtay dalkooda, kadib markii ay ku cuslaatay nolosha halkaasi, dalkoodana uu galay isbedallo badan oo dhanka amniga ah.

Goobjoog News