U bood dhigaalka

Warar Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Qaraxii Xalay Ka Dhacay Boosaaso

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Ismiidaamin ah oo habeenkii xalay ahaa ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Ruux isku soo xiray walxaha qarxa ayaa isku qarxiyey meel bar koontarool ah oo ay ciidamada Puntland ku baaraan gaadiidka, halkaasi oo ahayd bartamaha Boosaaso, kuna dhow xarunta dowladda hoose.

Shan qof oo uu ku jiro ruuxii is qarxiyey ayaa goobta ku geeriyoodey, waxaana ku dhaawacmay sidoo kale ku dhowaad Shan kale sidey inoo sheegeen dad goob joogayaal ah.

Afarta ruux kele ee dhimatay ayaa Saddex kamid ah waxay yihiin Shacab, halka ruuxa kalena uu ka tirsanaa ciidanka Puntland.

C/xakiin Xuseen Yuusuf, taliyaha qeybta booliiska ee gobolka Bari oo saxaafadda kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in xaaladdu degan tahay, islamarkaana ruux is qarxiyey ay ciidanka ka hortageen.

Wuxuu talyaha ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalad Boosaaso in ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan amniga iyo la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada.

Goobjoog News