U bood dhigaalka

Guddoomiye Ku Xigeenka Ceelwaaq Oo La Dhaacay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in la dhaawacay guddoomiye ku xigeenkii degmadaasi Sahal Macalin Aadan, waxaana dhaawacay askari isaga ilaalinayey.

Dhaawaca guddoomiye ku xigeenka ayaa lasoo sheegayaa inuu yahay mid aad u halis ah, waxaana lagu daweynayaa mid kamid ah Isbitaallada ku yaalla degmadaasi.

Lama oga sababta keentay in dhaawacan halista ah loo geysto guddoomiye ku xigeenka Ceelwaaq, iyadoo halkaasi uu ka baxsaday askarii falkaasi geystay.

Maamulka degmadaasi iyo sidoo kale saraakiisha ammaanka weli wax faah faahin ah kama aanay bixin dhaawacan guddoomiye ku xigeenka Ceelwaaq.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News